“Sagaal Guri Oo Diinta Kiristaanka Lagu Faafinayay ayay Soo Xidheen Guddiga Wanaagfaristu…”

 

Hargeysa (SLpost)- Munaasibad bilan oo ay xilalka kula kala wareegayeen Hoggaanka Cusub iyo Hoggaankii hore ee Guddiga Wanaag-farista, ayaa shalay ku qabsoontay magaalada Hargeysa.

Guddoomiyihii iyo Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Guddiga Wanaag-farista oo xilalka ku wareejinayey Guddoomiye iyo ku-xigeen cusub oo guddigu yeelanayso, ayaa soo bandhigay wax-qabadkii ay sameeyeen muddadii ay xilalka hayeen, waxaanay sheegeen inay guddigu si ballaadhan uga hawl-gashay la-dagaalanka ficillada ka dhanka ah Diinta Islaamka iyo Dhaqanka suubban.

Muuqaalka Hoose Kaga Bogo xafladdii xil-wareejinta guddiga oo maamulkii hore ku soo bandhigay wax-qabadkii ay sameeyeen muddadii ay xilka hayeen.