Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya oo Ka Jawaabay Eeddo loo Soo Jeediyay, Sheegayna in aan Deeqaha Waxbarasho lagu Qaybin Qaab Beelaysan

.

Hargeysa (SLpost) Safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya Ambassador Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal), ayaa ku dooday inaanay waxba ka jirin eedaymo ka soo yeedhay dugsiyada sare ee Dayib guray iyo Quule Aadan ee Hargeysa, kuwaasi oo dhawaan sheegay in deeqdii waxbarasho ee ay ka heleen Ethiopia la musuqmaasuqay.

Danjire Galaal waxa uu sheegay inay rasmi ahaan u soo saareen liiska ardayda ku guulaystay deeqda waxbarasho si ay meesha uga saaraan tuhunka jiray ee ku saabsan in la musuqay deeqdaasi.

“Warkaa la soo qoray waa barkumataal waa been. Warkaasina sida uu ku soo unkamay baan kuu sheegayaa, Iskuullo ayaa soo cawday baa la yidhi oo beelo ka socda-anigu maba ogayn in dugsiyadu beelo kala yihiine ayaa cawday oo yidhi saamigayagii maanaan helin. Haddaba waxa aan halkan ka cadaynayaa in aan saami beeleed lagu kala qaadan Deeqaha waxbarasho. Ardayba ardayga uu ka sareeyo ee uu ka dadaal badan yahay buu deeqaha waxbarasho helayaa. Maadaama oo borobogaandadaa iyo beentaasi soo baxdayna waxa aannu go’aan ku gaadhnay in aannu maanta daabacno liiskii oo kaamil ah ardaydii la siiyey si loo arko in aannay waxba ka jirin masuuliyiin baa saamigii badsaday ama reerkoodii oo kaliya siiyey, waxa lagu kala qaataa sida loo kala xaq leeyahay ee ardaydu u kala sarayso” ayuu yidhi Safiir Galaal.

Danjiruhu waxa uu saxaafadda Somaliland ee xorta ah ugu baaqay in ay ilaaliyaan xoriyadda oo aannay qoran wararka beenta iyo borobogaandada ah waxaana uu sheegay in aan laga yeeli doonin maamulayaasha iyo tifatiraha hay’addaha warbaahintu in ay hadhaw ku andacoodaan war kamaanaan hayn raaligalinna bixiyaan.
Danjire Galaal waxa uu bulshada reer Somaliland ugu baaqay in aannay iska aaminin wararka waxba kama jiraanka ah ee oo ay warbaahinta ka maqlaan ee ay warka iska hubiyaan “ Waxa aan bulshada ugu baaqayaa in aannay aaminin wax kasta oo ay maqlaan” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay safiirku.

 

Somalilandpost.net

Addis Ababa-Ethiopia