Safiirka Somaliland ee Imaaraadka oo Gurigiisa ku Booqday Abwaan Cali Sugulle oo In Mudo ah Xanuunsanayey

Dubai(SLpost)-Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka carabta Baashe Cawil ayaa hoygiisa ku booqday Abwaan Cali Sugule Dun Carbeed oo xanuun u jiifa.

Baashe Cawil oo socdaalkiisu uu ahaa booqasho iyo waliba ka war doonid ayaa waxa xaaladda abwaanka uga waramay eheladiisa oo u sheegay In ay xaaladiisu ay aad u jilicsan tahay.

Wiil uu dhalay abwaan cali sugule oo u waramay Oodweynenews waxa uu yidhi “Walaal abwaan Cali Sugule wuxuu u baahan yahay maanta duco, dadka reer Somaliland haw soo duceeyaan aad buu Xaajigu u jilicsanyahay hadda. Waxaanu si weyn qoys ahaan ugu mahad naqaynaa Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Silaanyo oo ay saxiib dhaw ahayeen Abwaan Cali Sugule waayo badan. Si joogto ah ayuu uga war hayaa. Maantana (shalay) waxaa noo yimi waliba wakhti ku munaasib ah Safiirka Somaliland u fadhiya dalkan Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Xaji Cumar. Marka aad baanu ugu mahad naqaynaa qoys ahaan Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa”. Sidaa waxaa yidhi Khadar Abwaan Cali Sugule