“Safarka wasiir Xagla-toosiye ee Buuhoodle waa mid taariikhda u galay oo uu facii kaga roonaaday” – Xildhibaan Caga-yare

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi (Cagayare) oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha deegaanka ee magaalada Hargeysa, ayaa safarka wasiirka Caafimaadka Somalilad Dr Saleebaan Ciise (Xagla Toosiye) ku sifeeyay mid taariikhda u galay oo uu kaga duwanyahay masuulliyiinta kale ee ka soo jeeda Gobolkaas.

XAGLATOOSIYEXildhibaan Ismaaciil Caga-yare oo ah Guddoomiyaha Guddida Nabadgelyada Golaha Deegaanka Hargeysa, waxa uu sidaa ku sheegay war-murtiyeed kooban oo uu ka soo saaray Hargeysa, kaas oo uu is-barbar dhig ku sameeyay masuulliyiintii kala duwanayd ee xilka ka soo qabatay Somaliland ee ka soo jeedda gobollada Sool iyo Buuhoodle iyo Wasiir Xa-toosiye.

War-murtiyeedkaas waxa uu u dhignaa sidan; “Safarkii Wasiir Xagla-toosiye ee Buuhoodle muxuu kaga duwanyahay safarrada ma dhalayska ah ee masuulliyiintii ka soo jeeday Sool iyo Buuhoodle ee u kala dambeeyay xilalka?

Wasiir Xagla-toosiye oo aan ku tilmaamayo masuul geesinimmo iyoku dhiirashoba leh, wuxuu todobaadkii tegay ku dhaqaaaqay tallaabo ka nixisay nabad-diidka iyo siyaasiyiinta dibed-wareegga ah ee magaca iyo mansabka ku raadsanaya shacabka Boohoodle, ka dib markii uu kaga dhabeeyay ballanqaadkiisii uu hore ugu sammeeyay deegaankaas inuu waxqabad iyo horumar ka hirgelinayo, waxaannu gaadhsiiyay mucaawimmadii ugu horraysay oo uu ka mid yahay gaadhi Ambalaas ah iyo dhagax-dhigga dhismaha machadka caafimaadka gobolka Sool, kaas oo laga dhisayo magaalada xarunta ah ee Laascaanood oo dub u soo noolaysay rajada shacabka ee wax-ka-qabashada kaabayaasha arrimaha bulshada.

Cali Khaliif Galaydh oo ka masayray waxqabadka Wasiirka iyo heshiiska dhexmaray Somalilad iyo Garaadka Guud ee Beelaha Dhulbahante oo Hargeysa lagu soo dhaweeyay, ayaa weedho cunfi, cunsuriyad iyo catow kula dhexdhacay bulshada jilicsan ee uu markasta ku gubaabiyo colaad inay kalal hor tagaan Somaliland.

Waxa xusid mudan in Wasiir Xagla-toosiye oo aan kelmad ka odhan Hargeysa gudaheedu, ugu jawaabay Cali Khaliif goobtii munaasibka ku ahayd ee Buuhoodle badhtankeeda.

Safarka Xagla-toosiye ee Buuhoodle iyo Sool waa mid taariikhda ugu suntan, xukuumadda Somaliland iyo Wasiirka oo ay ka go’antahay waxqabadka Gobollada Sool iyo Sanaag inay halkaas ka sii wadaan oo dhammaystiraan tabashooyinka siyaasadeed iyo kuwa bulsheed ee gobolladaas,” sidaas ayuu xildhibaanku ku yidhi Qoraalkiisa.

SOMALILANDPOST.NET