Saddexda Xisbi-Qaran oo si wada-jir ah farriin ku aaddan doorashada ugu diray shacabka

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka saddexda xisbi qaran ee Somaliland, ayaa bulshada u soo jeediyay in ay doorashada uga qayb-qaataan si nabad ah, kana digtoonaadaan talaabo kasta oo wiiqi karta habsami u socodka doorashada.

Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Ucid, Waddani Eng Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga KULMIYE ahna wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo si wada jir ah warbaahinta ula hadlay ayaa ku guubaabiyey guud ahaan Shacabka Somaliland inay si waddaniyad ku jirto uga qayb qaataan Codbixinta doorashada ee beri iyadoo qof kastaa xor u yahay cida uu dooranayo.

Hogaanka Saddexda Xisbi qaran waxaa kale oo ay u soo jeediyeen Murashixiinta ku loolamaysa doorashooyinka isku sidkani inay maanka ku hayaan inuu soo idlaaday Ololihii doorashadu isla markaana ay u hogaansamaan Shuruucda doorashadda.

Doorashadan ayaa noqonaysa markii ugu horaysay taariikhda Somaliland ee ay dalka ka dhacayaan laba doorasho oo isku lammaan oo ay ku kala tartamayaan 552 murashax oo golayaasha deegaanka ah 246 Murashax oo Golaha Wakiillada u tartamaya, kuwaas oo wadar ahaan isku noqonaya 798 Murashax.

Doorashada ayaa ka dhici doonta 23 Degmo doorasho, kuwaas oo laga hawlgeliyey 11,000 oo askari si ay sugaan ammaanka 2,709 goob-doorasho oo ay ka codeyn doonaan in ka badan 1.2milyan oo Codbixiyeyaal hore isu diiwaangeliyey.

Somalilandpost.net