Saddex Carruur ah oo ku Geeriyooday Dab Qabsaday Gurigooda

Boorame (SLpost)- Saddex Carruur ah oo ka ugu weyni ahaa 10 sano jir ayaa ku dhintay Dab ka kacay Gurigooda oo ku yaallay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.

Saddexda Carruurta ah oo dhammaantood ahaa Hablo ayaa ku dhex shuf-beelay Gurigooda oo ahaa Sandaqad laba Maqsin ah, sida uu sheegay Taliyaha Saldhiga dhexe ee Magaalada Boorama, Muuse Cabdillaahi Hanfi.

Taliyaha Saldhigga dhexe ee Magaalada Boorama oo faahfaahinaya Geerida naxdinta leh ee ku timi Qoyska, waxa uu sheegay inay Meydadka Saddex Carruur ah dhigeen cusbitaalka magaalada isla markaana dhankooda ay ku jiraan baadhis ay ku ogaanayaan sababta dabka dhalisay.

Warkan oo Faahfaahsan kaga bogo Muuqaalkan Hoose