Saaxiibbada Beesha Caalamka Oo War Ka soo saaray Dib-u-dhaca ku yimi Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Beesha Caalamka oo taageerta Nidaamka dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka Somaliland, ayaa war kooban oo ay maanta soo saareen kaga hadlay mudda-kordhinta Golaha Guurtidu u samaysay madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Somaliland iyo Dib-u-dhaca ku yimi Doorashooyinka Dalka.

Dowladda Maraykanka oo wakiil ka ah saaxiibbada Beesha Caalamka, ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen  waxa ay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in dhinacyada siyaasadda Somaliland si wada-jir ah ugu heshiiyaan hirgelinta Jewi suurta-galinaya in doorashooyinka ku qabsoomaan sida ugu dhakhsaha Badan.

Warka kooban ee ka soo baxay dowladda Maraykanka oo wakiil ka ah beesha Caalamka, waxa lagu yidhi, “Ka dib go’aankii muddo-kordhinta ee toddobaadkan Ka soo baxay Golaha Guurtida Somaliland, saaxiibada beesha caalamka ee taageera geeddi-socodka dimuqraadiyadda, waxay doonayaan inay hoosta ka xariiqaan muhiimadda uu leedahay geeddi-socod heshiis lagu yahay oo ogolaanaya in doorashada sida ugu dhakhsaha badan loo qabto si waafaqsan qodobbada farsamo ee ay soo saareen guddida doorashooyinka qaranka Somaliland.”

Beesha Calaamku waxa ay metelayaasha siyaasadda Somaliland ugu baaqday inay si wada-jir ah u soo saaraan wakhti laysku raacsan yahay oo ay ku qabsoomaan Doorashooyinka oo ay ku tilmaameen inay udub-dhexaad u tahay sumcadda ay Somaliland ku kasbatay dhinaca Dimuqraadiyadda iyo Xasiloonideeda.

Qoraalka ka soo baxay beesha Caalamka, waxa lagu yidhi, “Waxaanu mar labaad ku boorinaynaa dhammaan jilayaasha siyaasadda Somaliland inay si wax ku ool ah uga wada shaqeeyaan sidii la isugu waafaqi lahaa wakhti go’an oo ay ku qabsoomi karaan doorashooyinka oo gundhig u ah Sumcadda dimuqradiyadeed iyo xasilloonida Somaliland.”

Saaxiibada beesha Caalamka ee war-saxaafadeedka ku saxeexan ayaa kala ah Denmark, Ergayada Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ireland,Talyaaniga, Netherland, Norway, Boqortooyada Ingiriiska iyo Maraykanka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net