Saalax Cabdisalaam Oo Ka Mid Ah Abaabulayaashii Weerarkii Dhimashada Ee Paris Oo Beljam U Gacan Galinaayo Dalkaas

Paris(SLpost)-Xafiiska dacwad oogaha Beljam ayaa ogolaaday in Saalax Cabdisalaam oo ah ninka kaliya ee ka nool dadkii qaaday weerarradii ka dhacay Paris loo dhoofin karo Faransiiska, taasoo ah sidii uu isagu doonayey.

Horraantii bishii hore ayaa lagu xiray Brussels, kadib afar bilood oo la baadi goobayey, waxaana laga waraystay kaalinta sida la sheegayo uu ku lahaa weerarradii bishii November ka dhacay Paris.

Laakin wuxuu adeegsaday xuquuqda uu u leeyahay in uu aamusnaado, tan iyo weerraradii bambaaneyaasha ee ka dhacay Brussels.

Aqalka cad ee Maraykankana wuxuu sheegay in koox ka socota FBI-da loo diray Brussels si ay baaritaanka gacan uga gaystaan.