Ruushka oo Burburiyey Hub Tiro Badan oo Reer Galbeedku ku Caawiyey Ukraine

Moscow (SLpost)- Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka, ayaa sheegtay inay ciidamadoodu burburiyeen hub tiro badan oo dalalka reer Galbeedka uga yimi Dalka Ukraine, kaas oo lagu garoon Milatari oo ku yaalla magaalada Odessa ee Koonfurta dalkaas.

Wasaaradda Gaashaan-dhigga Ruushku waxa ay sheegtay inay burburinta hubka u adeegsadeen Gantaal casri ah oo ay dhawaan tijaabiyeen, kaas oo lagu bartilmaamedsaday xarun lagu keydiyo Hubka oo ku taalla Garoon Milatari oo ku yaala magaalada dekedda ah Odessa oo ku taalla xeebta Badda Madow (Black Sea).

Warkan oo aanu ka soo xigannay telefishanka RT, Sida uu shir-jaraa’id ku sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda Gaashaandhigga Ruushku, waxa gantaalka lagu bartilmaameedsaday gegida diyaaradaha ee Odessa oo hubka laga soo dejiyey.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa faafisay muuqaalka Gantaalka lagu bartilmaameedsaday milatariga Ukraine, waxaana warkan xaqiijiyey badhasaabka gobolka Odessa oo sheegay in Garoonka diyaaradaha ee Odessa oo dhawaan faraha laga qaaday dhismihiisa lagu burburiyey gantaal Ruushku ka soo riday gobolka Crimea oo hore uga tirsanaan jiray Ukraine.

Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Gaashaan-dhigga Ruushku waxa kale oo uu sheegay inay weerarro diyaarado ku burburiyeen dhowr bartilmaameed oo Milatari Ukraine leeyahay, kuwaas oo ay ku jiraan laba goobood oo ay yaallaan gantaalaha Difaaca ee loo yaqaanno S-300 kuwaas oo ku kala yaalla magaalooyinka Zaporozhye iyo Artemovsk ee dalka Ukraine.

Waxa ay toddobaadkii hore markii ay Ruushku sheegteen inay weerarro gantaallo ah ku burburiyeen goobo lagu keydiyo hubka dalalka Reer Galbeedku ugu deeqaan Ukraine oo ku yaalla magaalada Odessa, haseyeeshee dowladda Ukraine, waxa ay sheegtay milatariga Ruushku dhowr gantaal la beegsadeen dhowr xaafado dad shacab ahi deggen yihiin, dad badanina ku dhinteen.

Milatariga Ruushka ayaa weerar ku qaaday dalka Ukraine bishii February ee sannadkan, kaddib markii sida la sheegay ay xukuumadda Kiev ku fashilantay inay u hoggaansanto heshiis labada waddan dhexmaray sannadkii 2014-kaas, wakhtigaas oo Ruushku awood Milatari kula wareegay gobolka Crimea.

Heshiiska oo labada waddan ku dhexmaray maga
alada Minsk ee caasimadda Belarus, ayaa dhigayey inuu dalka Ukraine dhex-dhexaad ka noqday xafiiltanka iyo dhul-ballaadhsiga u dhexeeya Xulafada reer Galbeedka ee NATO iyo Ruushka.

Heshiiska ayaa sidoo kale dhigayey inay maamul-hoosaad madax-bannaani haysta yeeshaan labada jamhuuriyadeed ee Donetsk iyo Lugansk oo ku yaalla gobolka Donbas ee Bariga dalka Ukraine, kaas oo shacabka ku nooli ku hadlaan luuqadda Ruushka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net