Ruushka, Masar iyo Senegal Oo Ka Horyimi In Dalalkooda Loo Diro Danbad Ilaaliyayaasha Sameeya Tacadiyada Galmo

Us(Slpost)-Ruushka, Masar iyo Senegal ayaa waxa ay si xooggan uga soo horjeesteen qorshe guryahooda loogu dirayo guutooyinka nabad ilaaliyayaasha Qaramada Midoobay, haddii ay wajahaan eedo soo laablaabta oo ku saabsan tacadiyo dhanka galmada ah oo ay gaystaan qaar ka mid ah xubnahooda.

Un

Saddexdan dal ayaa sheegay in tani ay noqon doonto ciqaab aan kala sooc lahayn balse ay tahay in tallaabo laga qaado dadka gala dambiyada.

Mareykanka ayaa waxa uu diyaariyay qaraar ku baaqaya in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu soo afjarayo tacadiyada galmo ee ay gaystaan nabad ilaaliyayaasha, gaar ahaan tacadiyada ka dhanka ah carruurta.

Qaraarka ayaa waxaa si xooggan u taageeray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon.

Waxa uu u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay tahay in la qaado tallaabo geesima ah.