Ruushka: Boqolaal Mudaharaadayaal ah oo Xabsiga loo taxaabay iyo wararkii u dambeeyey

Moscow (SLpost)- Booliska Ruushka ayaa Sabtidii shalay La Xidhay ku dhawaad 800 oo qof oo ka qeybgalay bannaan bax ka dhacay magaalada Moscow, oo ay dadka ku dalbanayeen doorasho xor ah.

Dadka ay boolisku xidheen ayaa waxaa ku jira Lyubov Sobol oo ah gabar siyaasi ah kana mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xaquuqda aadanaha.

Hey’ad OVD-Info oo ah hey’ad madaxbannaan oo qiimeysa arrimaha siyaasadda Ruushka ayaa sheegtay, in booliska ay xidheen 685 qof oo qaarkood ay ciidamada ku garaaceen budad.

Wariye ka tirsan wakaaladda wararka Reuters ayaa arkay dad badan oo la xidhayo. Maamulka Magaalada Moscow ayaa bannaanbixi Sabtidi horay uga sii digay kuna tilmaamay mid sharci darro ah.