“Reer Somaliland Ma Kala Adkaadaan, Isma Xaqiraan, Waa Walaalo Is-khilaafay”~ Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood oo maalmihii u dambeeyey dagaal ku dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo Dadka Deegaanka oo ay weheliyaan kooxo lagu tilmaamay inay ka tirsan yihiin Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan ballaadhan oo uu isugu yeedhay haldoorka madaxda iyo shacabka Somaliland, waxaanu madaxweynuhu xusay inay xukumad ahaan madax-dhaqameedka dalka u daba-fadhiisanayaan wada-hadallada iyo nabadeynta shacabka gobolka Sool.

Madaxweynuhu wuxuu Muujiyey sida uu uga xun yahay shaqaaqada Laascaanood ka taagan, xukuumad ahaanna ay in badan xakameeyeen, waqti badanna geliyeen sidii xal waara loogu heli lahaa xabbadda, dedaal badanna geliyeen inaan shacabka awood loo isticmaalin, isaga oo shacabka reer Laascaanood iyo waxgaradkoodana ugu baaqay inay dedaal badan geliyaan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa magaalada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu carrabka ku adkeeyey in cid kasta oo ku waxyeellowday dhibaatada Laascaanood ay tahay cid Somaliland ka dhibaatooday oo ka damqanayaan, dhammaynteedana ay xil weyn iska saareen.

https://youtu.be/OR0nLwNvs4c