Recep Dayyib Erdogan oo mar kale loo Doortay Madaxweynaha Turkiye iyo Xukuumadda Somaliland Oo Hambalyo U Dirtay

Ankara (SLpost)- Shacabka dalka Turkiye, ayaa mar kale xilka madaxweynaha dalkaas u cumaaday madaxweynaha kursiga ku fadhiya Recep Dayyib Erdogan, Sida ay muujinayaan Natiijooyinka hordhaca ah ee ka soo baxay natiijada Doorashada madaxtooyda dalkaas oo maanta looga dareeray dalkaas.

Doorashada oo ahayd Wejiga labaad ee tartan dhexmaray Recep Dayyib Erdogan iyo Kemal Kılıçdaroğlu, waxa ka qayb-galay in ka badan 54Milyan oo ka mid ah 64milyan oo isu-diiwaangeliyey Codbixinta doorashooyinka dalkaas.

Iyadoo la tiriyey in ka badan boqolkiiba 99 sanaadiiq codadka la dhiibtay maanta, waxa hoggaaminaya Recep Dayyib Erdogan oo haysta in ka badan boqolkiiba 52 codadka la dhiibtay halka murashaxa isbahaysiga mucaaradka Kemal Kılıçdaroğlu uu haysto tiro ku dhow boqolkiiba 48 codadka la dhiibtay oo u dhiganta 25 milyan oo cod.

Doorashadii dalkaas laga qabtay 14-kii May, ayaa sababtay in la qabto wareeg labaad oo ay ku kala baxaan labadan murashax oo midkoodna ku guulaysan waayey boqolkiiba 50 codadka shacabka dalka Turkiye.

Recep Dayyib Erdogan waxa uu wareeggii hore ee doorashada helay boqolkiiba 49.5 Codadka la dhiibtay, murashax Kemal ayaa ku guulaystay boqolkiiba 44.88 codadka, halka murashaxa saddexaad ku soo xigay uu helay in ka badan boqolkiiba 5 codadka la dhiibtay.

Guusha uu Erdogan ka gaadhay wareegga labaad ee tartanka madaxweynaha dalkaas ayaa ku timi kaddib markii uu heshiis la galay murashaxa kaalinta saddexaad galay ee Sinan Ogan.

Madaxda Caalamka ayaa durba hambalyo u diray guusha uu Erdogan ka gaadhay doorashada madaxtinimada dalkaas, waxaana madaxdan ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud.

“Waan ku hambalyeynayaa Recep Dayyib Erdogan in maanta dib loo doortay. Waxa kale oo aan u hambalyeynayaa shacabka Turkiye. Hogaanka aad dalkiina iyo dadkiina u dhiibteen waa mid ay dunidu wada arkayso. Hambalyo Madaxweynaha La doortay,” Sidaas waxa yidhi Wasiir Ciise Key oo qoraal kooban oo hambalyo ah ku baahiyey bartiisa Twitter-ka.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net