Raysalwasaaraha Soomaaliya oo Magacaabay Golaha Wasiirrada Xukuumaddiisa oo 70 Xubnood ka kooban

Raysalwasaaraha soomaaliya maxamed xuseen rooble

 

Raysalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble

Muqdisho (SLpost)- Raysalwasaaraha dhowaan la magacaabay ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa caawa ku dhawaaqay Golaha wasiirada xukuumadiisa, kuwaas oo intooda badan ah wasiirada xukuumadii hore Ee Raysal-wasaare Kheyre.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda cusub ee Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, ayaa tiradiisu ka kooban tahay 70 Xubnood oo isugu jira 27 Wasiir, 17 Wasiirul-dowle iyo 26 Wasiir ku-xigeen, kuwaas oo ay ku jiraan dhowr haween ah.

Xagga hoose kaga Bogo digreetada Magacaabista uu soo saaray Raysal-wasaaraha cusub ee dalkaasi Soomaaliya

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net