Raysalwasaaraha Hindiya Oo Si Lama Filaan Ah U Booqday Baakistaan

India(SLpost)-Raiisul Wasaaraha dalka India ayaa socdaal ku tagay Pakistan markii ugu horreysay tan iyo markii uu xafiiska qabtay sanadkii hore.

Narendra Modi ayaa kaga dhawaaqay booqashadan lama filaanka ah twitter-kiisa, isaga oo sheegay in uu rajeynayo inay isku arkaan dhiggiisa dalka Pakistan, Nawaz Sharif, magaalada Lahore.

151224145419_modi_putin_india_russia_moscow_512x288_b_nocredit

Mr Modi ayaa waxa uu sidoo kale tagay India kadib dalka Afghanistan,halkaasi oo uu khudbad ka jeediyay baarlamaanka.Waa isku daygii ugu dambeeyay ee lagu doonayo in dib loogu bilaabo wada hadalkii nabadeed ee labada dal ee deriska ah oo labaduba heysta hubka niyukleerka.

Labada hoggaamiye ayaa si kooban wada hadal ugu yeeshay bishii hore shirka isbeddelka cimilada ee ka dhacay magaalada Paris.