Raysalwasaaraha Ethiopia oo Cambaareeyey Weerar lagu qaaday Masaajiddo ku yaalla Ismaamulka Amxaarada: “Falkaasi wuxuu ka soo horjeedaa wada-noolaanshaha Diimaha”

Somalilandchronicle.com accuses Dr. Abiy Ahmed of Plagiarizing.

 

Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa sheegay kooxaha xagjirka ee ka soo horjeeda wada noolashaha diimeed ee falkaasi foosha xun sameeyey iney doonayaan taariikhada wada noolaashaha diimeed uu dalku leeyahay iney baabbi’iyaan.

Ra’isal Wasaare Dr Abiy Axmed oo bartiisa facebook fariin uu ku cambaareynayo dhacdadi magaalada Mootaa ee deegaanka Amxaarada oo masaajidda lagu gubay wuxuu sheegay “Dalka Itoobiya ee waddada horumarka cagta saaray oo dhaqanka u lahaa dadyoowga diimaha kala duwan aaminsan iney si istixtiraam leh ay uga wada noolaayeen ay jiraan kooxa xagjir ah oo doonaya dhaqankaaasi soo jireenka ahaa iney burburiyaan.”

Wuxuuna shacabka Itoobiya uu ugu baaqay iney ka wada qayb qaateen dhanka wada noolashaha ee soo jireenka ah sidi ay u ilaashan lahaayeen kooxaha bulshooyinka diimaha kala duwan aaminsan iska horkeenayana ay ka hortagaan.

“Kooxaha kala qaybinta bulshooyinka ku howlan oo aan fahanno kana hortagno ayaan badhaadhe ku gaari karnaa” ayuu yiri.

Diimaha kala duwan maxay ka yirahdeen?

Dhinaca kale hoggaamiyeyaasha diimaha ayaa si weyn u cambaareeyey falka fosha xumaa ee lagu gubay masaajid ku yaallo magaalada Mootaa.

Golaha sare ee arrimaha islaamka oo bayaan ka soo saaray dhacdadaasi wuxu sheegay warar khaldan oo bulshada la gaarsiiyey iney sababeen in la gubo masaajiddo lana boobo hanti badan oo ay muslimiinta magaalada Mootaa lahaayeen.

Wuxuuna goluhu sheegay falkaasi inuusi weyn u cambaareynayo, wuxuuna shcuubta dalka uu ugu baaqay iney falalka noocaasi ah ay dhinac uga soo wada jeestaan.

Wuxuuna goluhu ku baaqay cid kasta oo falkaasi ka dambeysay in sharciga la horkeeno mudankoodana la mariyo.

Golaha arrimaha Islaamka Itoobiyana wuxuu sheegay inuu gobolka uu dhibka ka dhacay uu u dirayo wafdi soo indhaindheeyo xaaladda.

Golaha diinta Kirshtanka gaara ahaanna madhabta Orthodox oo dhacdadan bayaan ka soo saartayna waxay tacsi u dirtay muslimiinta dhibaatada loo geystay ee la gubay goobihi ay ku cibaadeysanayeen.

Muslimiintana waxay gu baaqeen inta arrinta laga baaraya oo dambiilayaasha sharciga laga horkeenayo iney dulqaad muujiyaan oo qaadin tallaabbooyin aar goosi ah.

Masaajiddo ku yaalla magaalada Moota ee deegaanka Amxaarada dalka Itoobiya ayaa jimcihi dab la qabadsiiyey iyada oo boob iyo burburinba loo geystay gooba ganacsiga oo ay muslimiinta laga tirada badan yahay ee magalada Mootaa ku nool ay lahaayeen.

Sidey wax u dhaceen?

Dad ku nool magaalada mootaa oo u warramaya BBC waxay sheegeen in dhibaatooyin badan loo geystay gooba lagu cibaadeysto iyo goobo ganacsi oo ay muslimiinta leeyihiin.

Warbaahinta deegaanka Amxaarada oo soo xigatay guddoomiyaha golaha sare ee arrimaha islamka ee deegaanka Amxaarada Shekh Saciid Axmed waxay sheegtay in afar masaajid la gubay dukaanno iyo goobo ganacsi oo ay dadka muslimiinta lahaayeenna la boobay.

Dada goob joog u ahaa dhacdadaaasi waxay BBC u sheegeen xilli ay dadka Kirishtanka ay kaniisad ku taallo Motaa ku cibaadeysanayeen dhisamaha kaniisadda qaac aad u badan u ka baxay dabna uu ka kacay.

Dabki kaniisadda ka kacay marki la damiyeyna ay dhalinyarada magaaladaasi oo careysan ay u dhaqaaqeen iney masaajidda dab qabadsiiyaan goobaha ganacsigana ay boobaan iyaga oo sheegaya kaniisada gubatay iney muslimiinta gubeen.

Maamulka Kaniisadda gubatayna waxay sheegeen iney sheegi karin dabka kaniisadda qabsaday waxa uu ka dhashay oo ay baaritaan wadaan dibna ay ka sheegi doonaan waxyaabihi sababay iney kaniisadda gubato balse ay sheegi karin iney muslimiinta sida la sheegay ay gubeen.

Masaajidda la gubay mid ka mid ah oo ay muslimiin badan xilligaasi ku sugnaayeen oo bam gacmeed lagu tuurayna waxa la shegay iney dad ku dhinteen qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Bariyahan dambe waxa isa soo tarayayey khilaafka diimeed ee u dhaxeeya muslimiinta iyo kirishtanka ku wada nool dalkaasi Itoobiya iyada oo ay horay u jireen masaajiddo iyo kaniisado ay labada dhinacba isaka gubeen.

Booliska deegaanka Amxaaradana waxay sheegeen xaaladda iney hadda deggan tahay ciddi falalkaasi ka dambeeysay si sharciga loo horkeeni lahaana ay ka shaqeyn hayaan.

Xaaji Yuunis Idiris oo ka tirsan golaha maamulka magaalada Mootaa wuxuu sheegay inuu aad ula yaabay waxa sababay in masaajidda la gubo.

“Waxaa si gaar ah loo beegsanayey oo dab la qabadsiinayey dukaanno iyo goobo ganacsi oo ay muslimiinta lahaayeen waana la boobayey marka sababta inta ay booliska baaritaan ku sameeynayaan oo ay ku sal gaarayan ma rabo inaan ka sii hordhaca” ayuu yidhi.

Madaxa waaxda ka hortagga dambiyada ee booliska deegaanka Amxaarada Jamaal Makonnin wuxuu sheegay iney booolis ahaan ka shaqeeyn hayaaan sidi ay shacabka u dajin lahaayeen dhibki dhacayna uu u soo noqon ciddi falkaasi sharci darrada ee dhacay ka dambeeysayna shariga loo horkeeni lahaa.”

“Ilaa hadda ma jirto cid falkaasi looga shakiyey oo loo soo xiray” ayuu yidhi Jamaal.

 

XIGASHO: BBCSomali