Raysal-wasaarihii hore ee Jabuuti oo faahfaahiyey Sababaha uu xilka isaga casilay

Djibouti (SLpost)-Ra’isul wasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Djibouti, Dileyta Maxamed Dileyta ayaa Fashiliyay sababaha uu xilka uga digay, waxa uuna cadeeyay in is-casilaadiisa ay ka dambeysay codsi kaga yimid dhanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismail Omar Geele.

Ra’isul wasaarihii hore Dileyta Maxamed Dileyta ayaa sheegay in is-casilaadiisa ay tahay mid aan ka imaan dhankiisa, balse ay tahay codsi ka imaday dhanka Mr Geele, waxa uuna sheegay in arrintaasi ay ku noqotay la yaab.

Djibouti Prime MinisterDileyta Maxamed Dileyta ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynuhu uu u soo diray warqad isla markana amar lagu siiyay in si deg deg ah uu xilka isaga dego, hase-yeeshe waxa uu isaguna sheegay in amarka Madaxweynaha fuliyay xilkana ka degay.

Ra’isul wasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Djibouti, Dileyta Maxamed Dileyta ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in is-casilaadiisa aanay ahayn mid ka imaaday dhankiisa balse lagu amray in sida ugu dhaqsiyaha badan xilka uga dego.

Si kastaba ha ahaatee, is-casilida Ra’isul wasaarihii hore ayaa ku soo beegantay Xilli xukuumadda cusub ee Djibouti ay ku furan yihiin shaqaaqo kaga imanaysa dhanka mucaaridka.

Somalilandpost.net/Hargeysa