Raysal-wasaare Cabdirashiid oo markii ugu horraysay ka jawaabay Su’aal laga weydiiyey sida uu Badda Somaliya uga iibiyey Kenya

MUQDISHO (SLpost)- Raysal-wasaaraha la magacaabay ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo Khamiistii xilka la wareegay, ayaa markii ugu horreysay wax laga weydiiyey heshiis uu isagu saxeexay oo qayb ka mid ah Badda Soomaaliya uu Kenya ugu gacan-geliyey wakhtigii uu Raysal-wasaaraha ka ahaa dawladdii Ku-meel-gaadhka ahayd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed 2009 illaa 2010-kii, waxaanu caddeeyey inuu isagu saxeexay heshiiskaas, balse ujeeddada uu kalahaa aanay ahayn in qayb Badda ka mid ah cid kale qaadato, hase ahaatee ay ahayd inuu ballaadhiyo Badda Soomaaliya.

cumar cabdirashiidCumar Cabdirashiid, waxa kale oo uu sheegay inuu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh oo ku iman doonta wada-tashi, isla markaana waxa uu sheegay inaanay jirin wax u diidi kara in Wasiirrada uu soo magacaabayo ku soo dar karo Wasiirrada Xukuumaddii kalsoonida lagala noqday ee Cabdiweli Sheekh Axmed.

Waxa uu Cumar Cabdirashiid sidaas ku sheegay Waraysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da, waxaanu intaas ku daray in Xukuumaddiisu ay noqonayso mid la jaan-qaadda waaqiciga siyaasadeed ee dalka Soomaaliya ka jira, waxaanu yidhi; “Xukuumaddaan soo dhisayaa waxay noqonaysaa mid waaqiciga siyaasadeed ee dalka ka jira ku imanaysa, anigoo aan doonayn inaan faahfaahin intaas ka badan ka bixiyo, haddana waxaa wax lagu soo xuli doonaa habka ka jira dalka.”

“Waxaanan doonayaa Xukuumadda aan soo dhisayo inay Baarlamaanka ka hesho cod aqlabiyad ah, sidii aan aniguba Arbacadii u helay, mana jirto cid u diidaysa inay Wasiirradii hore ka mid noqdaan Xukuumaddeyda.”  Sidaa ayuu yidhi Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey nooca ay Xukuumaddiisu noqon doonto iyo inu ku soo dari doonno Wasiirrada Xukuumaddii hore.

Raysal-wasaaraha oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxyaabaha ay ahmiyadda ugu weyn siinayso Xukuumadda uu soo dhisayaa boqolka maalmood ee ugu horreeya, waxa uu yidhi; “Qorshaha innoo degsan waa in xasillooni siyaasadeed la helo, in ammaanka dalka cagaha dhulka loo dhigo, in la dhammeystiro hawlaha dhiman iyo inaan ka shaqeynno sidii dalku ku gaadhi lahaa doorasho sannadka 2016-ka.”

Cumar Cabdirashiid waxa sidoo kale la weydiiyay su’aal kale oo ahayd waxyaabaha uu doonayo inuu ka qabto hawlaha dawladda ee hadhsan maadaama oo inta uu Xafiiska joogayo ay 20-bilood tahay hawsha taallaana ay aad u badan tahay, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhammeystirka Dastuurka iyo diyaarinta doorashooyinka, waxaanu ku jawaabay; “Hadda waxaa la dhammeeyay Guddiga Dastuurka oo hawshooda ayay bilaabi doonaan. Haddana waxaa la ansixiyay Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka, tii doorshooyinkana waxaa la sameynayaa marka Xukuumaddu ay salka dhigato si dhaqso ah ayaana Baarlamaanka loo horgeynayaa si uu u meel-mariyo.”

Ra’iisul wasaare Sharma’arke oo mar kale la weydiiyay inay dhici karto inay waqti dheeraad ah ku darsadaan muddada xil-haynta, maaddaama oo hawsha u taallaa ay tahay mid aad u badan waqtiguna yar yahay sida ay isu waafaqayso, waxaanu ku dooday inay ku dedaalayaan in waqtigii loogu talo-galay inay doorashooyinku dhacaan aanay hawshu ula dhaafin. Waxaanu sheegay in muddada uu xilka hayo ballan-qaadayo inaanu khilaaf u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh soo bixi doonin, isagoo sheegay inay labadooduba isku waafaqsan yihiin inay wada-shaqeeyaan khilaaf la’aan, isla markaana uu rejeynayo in sidaas ay wax walba noqdaan.

Cumar Cabdirashiid waxa la weydiiyay in Xukuumaddii hore ee uu Raysal-wasaaraha ka ahaa intii u dhexeysay 2009 illaa 2010-kii inay ku lug lahayd is-fahamkii Badda ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya, dawladda hadda jirtaana ay dacwad arrintaas ka gudbisay, dad badanna farta ayey ku godayaan isaga, haddaba maxaa arrintaas kaaga qorsheysan, side se arrintaa Muranka Baddu ku timi?

Waxaanu Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya ku dooday in heshiiska muranka Badda dhaliyey ahaa mid marka hore lagu doonayey xal iyo in la ballaadhiyo Badda Soomaaliya, isla markaana ay Qaramada Midoobay qayb ka ahayd oo ay heshiiskaas u keentay, isla markaana uu isagu saxeexay, sidoo kale waxa uu sheegay in muran Badda ahi soo dhex-galay Yemen iyo Soomaaliya, uu isagu Dacwad uga gudbiyey Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.

“Marka hore sida dadku ay u fasirteen arrintaas waa mid khalad ah, innagu qorshaheennu wuxuu ahaa inaan badda Soomaaliya oo 200-nml ahayd aanu gaarsiinno 350-nml, labada dalna aysan dagaalmin ee ay wax uun isku af-gartaan oo aan la isku xad-gudbin. Aniguna ma doonayo in dhul ama bad ay Soomaaliya leedahay ay cid kale qaadato.” Sidaa ayuu yidhi Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo su’aashaa arrinta Badda laga weydiiyey ka jawaabayey, waxaanu ku dooday in si qaldan loo fahmay arrintaas, inta uu hadda xilka hayana ay ka go’an tahay inaan taako Badda iyo dhulka Soomaaliya ah cid kale qaadan sida uu hadalka u dhigay.