Raysal-wasaaraha Soomaaliya oo ballan-qaaday inuu la dagaalamayo Aafada Musuqa

 

Muqdisho (SLpost)- Raysal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga dhexe iyo Dekedda magaalada Muqdisho, ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay sii dardar-gelinayso qorsheyaasha lagula dagaallamayo musuqmaasuqa iyo ku tagri-falka hantida iyo awoodda dowladnimo.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal-wasaaraha u qaabbilsan warbaahinta oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay aftahannews, kaasoo u dhignaa sidatan:-

“Ra’iisul-wasaare Rooble, ayaa xarumaha uu booqday kulammo kula yeeshay Madaxda iyo masuuliyiin hay’adahan goobahooda shaqada, isagoona ka dhageystay warbixinno ku saabsan hannaanka hufnaanta maaliyadeed ee adeegyada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Rooble oo dul istaagay tallaabooyinkii horey loo qaaday ee ka dhan ahaa musuqmaasuqa ee ay ka mid ahayd in sharciga la horkeenay masuuliyiin dowladeed oo ku eedaysanaa Xatooyo xoolo dadweyne ayaa sheegay in la sii xoojin doono tallaabooyinkaas, iyadoo Xukuumadda ay ka go’an tahay dhowridda ammaanada ay u heyso shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay Madaxda iyo howlwadeennada ilaha dakhliga ee uu booqday in ay sii dardar geliyaan shaqadooda, si kor loogu qaado dakhliga dalka oo saameyn xooggan uu ku yeeshay codurka COVID-19 ee kala xiray dunida.”