Raysal-wasaaraha Ethiopia Oo Ka Hadlay Heshiis isfaham oo dhexmaray Madaxweynaha Somaliland

Addis Ababa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal-wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa maanta Heshiis is-faham oo dhabbada u xaadhaya hirgelinta iskaashi Cusub oo dhexmara labada dowladood iyo sidii Dowladda Ethiopia u heli lahayd deked ay isticmaasho.

Heshiiska is-faham oo ku salaysan Is-kaashi iyo wax-wada-lahaansho dhexmara labada dowladood, ayaa loogu tala-galay inuu aasaas u noqdo iskaashi dhinacyo badan leh sida Ganacsiga, Dhaqaalaha, Ammaanka iyo Xidhiidhka dibloomaasiyadda, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha Ethiopia.

Warka ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha Ethiopia, waxa uu intaas ku daray in heshiiskani dhabbada u xaadhayo sidii labada waddan u sii xoojin lahaayeen Xidhiidhada dhinacyada siyaasadda iyo dublomaasiyada.

Raysal-wasaaraha Ethiopia wuxuu intaas ku daray inuu heshiiskani xaqiijinayo mowqifka Dowladda Ethiopia ee kobcinta iskaashi labada dhinacba ka faa’idaystaan.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay inuu heshiiskani Jabtar Cusub u furayo Xidhiidhka iskaashi ee Somaliland iyo Ethiopia isla markaana uu muhiimad weyn u leeyahay is-dhexgalka Gobolka Geeska Afrika.

Warka ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaare Abiy Ahmed wuxuu intaas ku daray in heshiiskan isfaham u suurto-galinayo Dowladda Ethiopia inay kor u qaaddo doorka ay ku leedahay ammaanka iyo xasiloonida Gobolka.