Raysal-wasaaraha Ethiopia Oo Ka Dagay Port Sudan

Raysal-wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Axmed, ayaa booqasho shaqo oo rasmi ah ku tagay magaalada Port Sudan, sida aanu ka soo xigannay Xafiiska raysal-wasaaraha Ethiopia.

Dowladda milateriga ee dalka Sudan iyo hay’ado kale oo caalami ah, ayaa ka guuray caasimadda Khartuum, waxaana sannadihii u dambeeyey xaruntooda ka dhigteen magaalada xeebta ku taalla ee Port Sudan.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska raysal-wasaaraha ayaa lagu Sheegay ujeeddada socdaalka Abiy Ahmed u tagay Sudan, kaas oo lagu tilmaamay inuu qayb ka yahay dedaalo uu Abiy Ahmed kaga qayb-qaadanayo xasilinta xiisadda colaadeed ee ka taagan Sudan.

Raysal-wasaaraha Ethiopia oo Khamiistii toddobaadkii hore hadal ka jeediyey baarlamaanka dalkaas, ayaa Sheegay inay si dhex-dhexaad ah uga qayb-qaadanayaan dib u heshiisiinta dhinacyada ku dagaalamaya dalka Ethiopia

Dhowrkii sanno ee u dambeeyey waxa dalka Suudaan ka socday dagaal sokeeye oo u dhexeeya laba kooxood oo ka tirsan dowladda militariga, kuwaasi oo kala ah Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF) oo uu hoggaaminayo Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan iyo Ciidamada Rapid Support Forces (#RSF).

Dagaalladan ayaa sababay dhimashada dad lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 13 ilaa 15 kun oo Qof iyo 33 kun oo ku dhaawacmay. Waxa kale oo dagaalladani sababeen 7.7 milyan oo qof oo Gudaha dalkaas ku barakacay halka in ka badan 2 Milyan oo Qof qaxooti ahaan uga baxeen dalkaas.