Raysal-wasaaraha Britain, Boris Johnson, oo laga helay Caabuqa CoronaVirus

Boris Johnson at 10 Downing Street. Photofile: by Andrew Parsons.

 

London (SLpost)- Raysal-wasaaraha dalka Britain, Boris Johnson, ayaa laga helay Caabuqa CoronaVirus, sida uu ku sheegay muuqaalka uu soo dhigay bartiisa Twitter oo uu ku shaaciyey maanta.

Boris Johnson at 10 Downing Street. Photofile: by Andrew Parsons.

Raysalwasaare Boris Johnson ayaa laga helay caabuqa CoronaVirus kaddib markii ay hawl-wadeenno ka tirsan Waaxda Caafimaadka Qaranku baadhitaan ku sameeyeen isagoo ku sugan Xafiiskiisa oo uu xilligan ku karantiimaysan yahay.

“24-kii Saacadood ee u dambeeyey waxaan isku arkay astaamaha xannuunka, markii layga baadhayna waxa layga helay Coronavirus,” sidaa waxa yidhi Raysalwasaare Johnson oo muuqaal uu arrintan kaga hadlayo ku baahiyey bartiisa Twitter..

“Immika waxa aan ku jiraa karantiil, laakiin waa sii wadi doonaa inaan hoggaamiyo dedaallada ay dowladdu waddo ee aanu kula dagaalamayno CoronaVirus.”

Afhayeen u hadlay Xafiiska Raysal-wasaaraha, ayaa sheegay in hoggaamiye Johnson astaamaha cudurka isku arkay Khamiistii shalay oo ahayd maalin kaddib markii uu Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ka qayb-galay kulanka todobaadlaha ah ee mudaneyaasha baarlamaanku su’aalaha ku weydiiyeen Raysal-wasaaraha.

Waxa uu Afhayeenku sheegay in baadhista raysalwasaaraha lagu sameeyey ay ku timi kaddib talooyin uga yimi La-taliyaha Caafimaadka dowladda Prof Chris Whitty oo isaga laftiisa xannuunka laga helay.

Raysal-wasaaraha Britain, ayaa noqonayaa masuulkii ugu sarreeyey dowladaha Caalamka ee shaaciyey inuu qabo cudurka Covid-19.

Sidoo kale, Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Britain, Matt Hancock, ayaa maanta shaaciyey in laga helay caabuqa CoronaVirus isla markaana uu karantiil isgelin doono, wixii shaqo ahna gurigiisa ku qaban doono.

“Nasiib-wanaag, astaamuhu ilaa imminka aad bay u yar yihiin, sidaa darteed waan awoodi karayaa inaan sii wado howsha iyo dedaallada UK kula dagaalamayso Coronavirus,” sidaa waxa bartiisa twitter ku shaaciyey xoghayaha Caafimaadka ee dalka Britain.

Dhinaca kale, sida Caadiga ah dalka Ingiriisku ma laha raysal-wasaare ku-xigeen, sidaa awgeed, warbaahinta dalka Ingiriiska, ayaa ilaa maanta baahiyey doodo iyo falan-qayno ku saabsan cidda la wareegaysa hoggaaminta dalkaas haddii xannuunkani soo rito Raysal-wasaare Johnson, waxaana falan-qaynaha iyo doodaha ka soo baxay in masuulka ugu dhow ee xilkaas la wareegi doonaa uu yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas Dominic Raab.

 

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net