Raxmada ALLE Oo Ku Hoortay Deegaano Somaliland Ka Tirsan

Hargeysa (SL.Post) Roobabkii dayrta ayaa deegaano ka tirsan Somaliland ka curtay.

Deegaanadan oo ku teedsan gobalka Maroodi-jeex ayaa meelo ka mid ah waxa uu ALLE ku shubay raxmadiisa oo si wanaagsan u biyo dhigtay, halka uu meelo kalena teel-teel ku ahaa.

Deegaanada Allay-baday ayaa ka mid ah meelaha ay uu Roobku shalay gelinkii dambe si wanaagsan u biyo-dhigay.

Inta u dhaxaysa degmooyinka Dilla iyo Kala-baydh ayaa iyaguna ka mid ah deegaanada uu shalay roobku ku hooray.

Geesta kale, deegaankada Kililka shanaad ee Itoobiya, gaar ahaan Laan-qayrta, Kaam-abokor, Bali-abaad iyo deegaanada ku teedsan ayay daruur xoogano oo raxmadda Alle ka mid ahi shalay heshay.

ALLE SWT waxaan ka baryaynaa inuu inoo sii wado raxmadiisa oo uu ugu naxariisto umadiisa tabaalaysan.

 

Somalilandpopst.net