Raila Odinga oo go’aankii Dhiiggu ku daatay ee uu Qaatay Shan Sanno ka Hor ku soo Dhaweeyey Natiijada Doorashada Kenya

Nairobi (SLpost)- Uhuru Kenyatta, oo ay ku socdaan dacwado ka dhan ah xuquuda adaanaha, ayaa loogu dhawaaqay inuu ku guulaystay codayntii boqolkiiba 50.07 codadkii la dhiibtay, halka murashixii ugu soo dhawaa ee Odingana uu ka helay 43.31 boqolkiiba.

Sidii looga bartay buuq iyo sawaxan loo adeegsado ciyaar dhaqameedka iyo kaftanka dacaayada ku dhisan, ninkan mar haysan jiray nidaamka hanta-goosiga, imikana ku dooda inuu yahay hanti goosiga dimuqraadiyada ku dhisan ayaa tiro yar oo codad ah lagaga guulaystay doorashadii 2007 dii ee uu ku soo baxay madaxweyne Mwai Kibaki.

Kenya's PM Odinga addresses a news conference after Uhuru Kenyatta was declared winner of Kenya's presidential election in the capital Nairobi
Raila Odinga

In kastuu Odinga ka soo horjeedo isticmaalka qabyaalada, hadana wuxuu markale ku guul daraystay inuu madaxweyne gaadhsiiyo qabiilkiisa Luo- wadankan aaminka qabiilku kaga xooga roon yahay afkaarta dadka.

Wuxuu ku dooday inuu natiijadii soo baxday maxkamad la  u gudbin doono, waxaanu ka codsaday taageerayaashiisa inay amniga ilaaliyaan oo aanay dhicin mashaqadii laga dhaxlay doorashadii 2007-dii.

“Waxaan marwalba sheegaa in qabyaaladu tahay cudurka hogaaminta suuban.” Ayuu ku yidhi waraysi ay gurigiisa kula yeelatay wakaalada wararka ee Reuters ka hor cod bixintii. “Waa kuwii ka hor yimid nidaamkii dalka , iyagoo qabyaaladana u adeegsanayay furaha isku dirka iyo is nacaybka.”

Laba kamid ah saddexdii madaxweyne ee soo maray Kenya, tan iyo xiligii ay madaxbanaanida ka qaadatay Ingiriisku, waxay ka soo jeedeen qabiilka Kikuyu, qoomiyada Lua, oo ah qabiilka afraad ee ugu tirada badan Kenya, waxay ku doodaan in laga dheereeyey xukunka wixii ka dambeeyey isku dhicii dhex maray Odinga aabihii, Jaramogi Oginga Odinga, iyo Jomo Kenyatta, oo dhallay Uhuru ahaana raysal wasaarihii ugu horeeyey Kenya isla markaana Madaxweyne ka ahaa wadanka.

Dannaha Qoyseed

Natiijada Sabtidii lagu dhawaaqay waxay Odinga qayb ahaan dib u xasuusisay niyadjabkii iyo waayihii qadhaadhaa ee Aabihii, oo kamid ahaa siyaasiyiintii ugu cad cadaa wakhtiyadii xornimada laakiin aan waligii mansabka u sareeya gaadhin ama ku fadhiisan.

Odinga wuxuu ka caawiyay madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Kibaki guushii doorashadii 2002-dii. Saddex sannadood kadibna wuxuu Odinga, ollole kala horyimid Kibaki aftidii dastuurka , taasoo sababtay in dowlada laga caydhiyo.

Mar labaadkii Kibaki loo doortay kursiga 2007-dii, wuxuu ka guulaystay Odinga, markaas oo uu ku dhawaaqay in doorashooyinkii la musuqay, taas oo Kenya ka dhalisay todobaadyo dagaalo ehli ah oo dhiigu qulqulay birtana la iska aslay, ugu dambeyntiina nidaam awood qaybsi ah lagu joojiyey xasuuqii uunku wada yaabay , isna waxa loo dhiibay jagada ra’iisal wasaaraha.

Tartanka sanadkan , wuxuu heersare ka gaadhay maarayntii caqabadihii faqiirnimada, laakiin waxa hortaalay sidii uu meel ugu tiirin lahaa su’aasha ah siduu isugu wadi lahaa ganacsiga reerkooda , inkastoo uu inyar ka horeeyo ka qoyska Kenyatta.

“Riyahaaga ma u diran lahayd waraabe si uu kuugu ilaaliyo?” ayuu Odinga weydiiyey taageerayashiisa oo isaga yimid dacalada Kenya, kuwaas oo nafiifinayay dhul balaadhan oo laga qaaday , Kenyatta iyo qoyskooda ,iyo buuxinta goobo uu ninka la tartamayaa ku ballan qaaday in lagu deegaamayn doono dadka reer kiiniya ee bilaa dhulka ah.

Kenyatta ayay majaladda Forbes ku tilmaantay ninka ugu qanisan Kenya.

uhuru
Madaxweynaha Cusub ee Kenya, Uhuru Kenyatta

Iyadoo laga soo doorto xaafada Kibera oo ah xaafad isku raran ah oo ku taala caasimada Nairobi, taas oo ah xaafad isku raranta ugu weyn qaarada Afrika, Odinga wuxuu iskii u sheegtaa inuu yahay saaxiibka dadka faqiirka ah, laakiin dadka ka soo horjeedaa waxay sheegaan inaanu wax badan u qabanin xaafadan isku raranta ah, meeshana uu ka dhis dhisay uun dhismayaal, caag la iyo biro si qaab daran la isugu xidhay ah iyo guryo ka samaysan jawaano.

Dadka haybta ku taageeraa waxay ku cafiyaan arimahaas,badi dadka taageeraana waxay u badan yihiinxaafadahaas isku raranta ah.

Sidii aabihii oo kale, Odinga, wuxuu ku bilaabay isagoo wata nidaamka hanta-goosiga, waxbarashadiisii ayaa wax badan ka badashay kadib mudo badan oo uu waxbarashada culuumta farsamada (Engineering) oo uu ku qaatay wadankii hanta-wadaaga ahaa ee Bariga Germany. Xataa innankiisa wuxuu u bixiyey Fidel oo uu ugu magacdarayay madaxweynihii hore  ee wadanka Cuba, Fidel Castro.

Odinga, oo ah 68-jir-taageere daacad ah u ah kooxda kubada cagta wadanka Ingiriiska ee Arsenal, oo isu sheega inuu yahay nin isbedel doon ahi, waxaa wali ku lamaan sumcaddii uu ka dhaxlay hantigoosi-nimadiisii.

Wakhtiyadii Adkaa

Badi dadka u daacada ah Odinga , waxay rajaynayeen inuu madaxweynaha ku guulaysan doono, iyagoo ka rajaynayay inuu dib u habayn ku samayn doono nimaadkii awood qaybsiga oo mudo dheer ahaa mid dhan ka raran wadankan  taageerada iyo qaadhaankaba sida weyn la isugu siiyo wadiiqooyinka haybta ku xidhiidha.

Odinga oo ay dad badani ugu yeedhaan naanaysaha “Agwambo” ama Damaaci, iyo midka “Jakom” oo ah Gudoomiye, waxa la tilmaamaa inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay isku day inqilaab xilka lagaga tuurayay madaxweynihii hore ee Kenya, Daniel arap Moi sanadii 1982-kii.

Waxaanu sanado badan ku qaatay xadhig iyo jidh dil ay u geysteen dad uu u adeegsaday , Daniel arap Moi oo talada wadanka gacanta ku hayay mudo 24 sanno ah ilaa sanadii 2002-dii.

Astaantii ollolaha doorashooyinka uu u adeegsanayay ee “tuko tayari” ama  “Diyaar baanu nahay”, Odinga wuxuu ku ballan qaaday inuu Kenya ku leexin doono waa cusub oo dimuqraadiyadeed waxay noqdeen nalkii kali ahaa ee ifiyey awoodaha badan ee uu isticmaalo madaxweynaha hadda la bedelayo. Laakiin wax dambe lagama maqal.

SOMALILANDPOST.NET