Ra’iisal waarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlusconi oo 86-jir Ku geeriyooday

Milan (SLpost)- Ra’iisal-wasaarihii hore ee Dalka Talyaaniga, Silvio Berlusconi, ayaa maanta ku geeriyooday cusbitaal ku yaalla Magaalada Milan ee Woqooyiga dalkaas.

Silvio Berlusconi oo 86-jir ku geeriyooday, waxa uu ahaa Siyaasi Caan ah iyo Maal-qabeen iska leh qaar ka mid ah Warbaahinta ugu afka dheer Talyaaniga, isagoo tiraba Afar jeer ka soo qabtay xilka Ra’iisal-wasaaraha intii u dhaxaysay 1994-kii ilaa 2011-kii.

Ganacsadahan ka taajiray warbaahinta, ayaa Jimcihii la dhigay Cusbitaal ku yaalla magaalada Milan kaddib markii uu ku soo booday xannuun uu ka caafimaaday saddex toddobaad ka hor xilligaas oo laga saaray cusbitaalkaas oo muddo lix toddobaad ah lagu dawaynayey.

Silvio Berlusconi ayaa muddo sannado ah u jiifay xaalad caafimaad, iyagoo qalliin wadnaha ah lagu sameeyey sannadihii 2016-dii iyo sidoo kale 2020-kii oo xannuunka Coronavirus ku dhacay.

Berlusconi waxa uu sidoo kale ahaa Mulkiilaha kooxda kubadda Cagta ee AC Milan intii u dhaxaysay 1986 ilaa 2017 ka hor intii aanu iska iibin kooxda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net