(Radio SLpost)- Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal oo Soo dhaweeyey Go’aamo ay Guddi Is-xilqaantay ka soo saartay Qabsoomidda Shirka Beesha Sacad Muuse

Suldaan XasanHargeysa (SLpost)- Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa Guddoomay Go’aamada bayaankii ay shalay soo saareen Guddida Turxaan-bixinta khilaafkii Shirka Beesha Sacad Muuse, ka dib  markii muddooyinkii u dambeeyey ay guddidaasi ku gudo-jireen xalinta is-agaran-waa ku dhex-jiray Madax-dhaqameedka iyo Guddiga Qaban-qaabada ee Shirka Beesha.

Suldaan Xasan oo maanta ka hadleyey Shir-jaraa’id oo maanta Hotelka African Village ku qabteen Cuqaasha, Salaadiinta iyo Ugaasyada Beesha Sacad Muuse, waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo kuna taageersan yahay Guddida Go’aamada ay ku soo gunaanadeen is-garanwaagii ka jiray Qabsoomidda Shirka.

Halkan ka dhegayso Codka Suldaanka

Radio Ku Dhegayso Aalad Kale

 

 

Somalilandpost.net

 

GUJI HALKAN SI AAD U AKHRISATO  GO’AAMADA AY GUDDIDU SHALAY SOO SAAREEN