[RADIO SLpost]- Natiijada Kulan Caawa Madaxtooyada Ku Dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Hoggaanka Ururka Xaqsoor

Hargeysa (SLpost)- Kulan Albaabadu u xidhan yihiin oo Qayb ka ah wada-hadallo muddooyinkii ugu dambayeeyey u socday Xukuumadda iyo Ururkii Dooashada Goleyaasha deegaanka ku hadhay ee Xaqsoor, ayaa caawa ku qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, kaas oo labada dhinac ay kala hoggaaminayeen Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha ururka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac.

kulanka

Kulan caawa ku qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland oo madaxweynaha JSL uu la qaatay Ururkii Xaqsoor ee Ku hadhay tartankii Golaha Deegaanka ee ka qabsoomay Somaliland ayaa waxa kulan ka dib si wada jira Warbixin kooban warbaahinta ku siiyey qasriga madaxtooyada JSL, Gudi ka socday labada dhinac oo ahaa gudidii ka soo shaqaysay in kulankani noqdi kii lagu soo afjaraayey Khilaafaadkii ka dhexeeyey Xukuumada Iyo Ururkii Xaqsoor kaasi oo uu si toosa u cadeeyey Gudoomiye ku xigeenkii Ururka Xaqsoor CalI Sandule.

Radio Ku Dhegayso Aalad Kale

kulanka2

SOMALILANDPOST.NET