Berbera (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in Immaaradka Carabta ay ka wada-hadlidoonaan wax cusub, isla markaana ay dalkaasi kala hadlidoonaan wax wada qabsiga labada Dal.
Weftiga Madaxweynuhu uu hogaaminaayey oo maanta Madaarka Magaaladda Berbera ka duulay, waxa socdaalkan ku wehelinaayey Guddoomiyaha Xisbul Xaakimka ee talada haya Muuse Biici Cabdi, Wasiirka Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Maaliyadda Mudane CabdiCasiis Maxamed Samaalle, Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoolle, Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir-Ku Xigeenka Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina waris Sh. Maxamed Jirde.
SOMALILANDPOST.NET