Radio Hargeysa oo lagu Lammaaneeyey Idaacad FM oo Lagu sheegay IDAACADDA QUR’AANKA KARIIM AH EE JAMHUURIYADDA SOMALILAND

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigalinta iyo Dhaqanka Cabdilaahi Maxamed Daaahir (Cukuse), ayaa shaaciyay in lagu soo kordhiyay Radio Hargeysa Idaacad cusub oo ku lammaan, taas oo baahin doonta Quraanka Kariimka iyo Axaadiista Nabiga NNKH.

Wasiirka oo shalay ka hadlayay xafladda furitaanka Barnaamijka Kasmaal oo Bisha Ramadaan ka baxa Telefishanka Qaranka, ayaa sheegay in ay ku soo kordhiyeen Idaacada Radio Hargeysa. Idaacad FM ah oo baahinaysa Quraanka Kariimka ah iyo Axaadiista Nabiga (NNKHA).

Radio Hargeysa

Wasiirku waxa uu ugu bushaareeyay ummada muslimiinta gaar ahaan bulsho-weynta Somaliland ee Sooman bisha Ramadaan ee bakaraysan inay u soo kordhiyeen Idaacaddan ku baxaysa Qur’aanka Kariimka ah oo ku lamaan Idaacada Radio Hargeysa.

 “Idaacadaasi waanu fureynaa Idaacada Quraanka Kariimka Radio Hargeysa codka Jamhuuriyada Somaliland, dawladdaa leh Idaacadaasi waana qayb ka mid ah Radio Hargeysa, sidaas ayaan ugu bushaareynayaa ummadda muslimiinta ah ee sooman bisha Ramadaan ee bakaraysan.” ayuu yidhi Wasiirka Warfafinta, Wacyigalinat iyo Dhaqanka Cabdilaahi Maxamed Daaahir (Cukuse).

Idaacadan ayaa dhagaystayaasha Radio Hargeysa kaga faa’iidaysan doonaan Culuunta Diinta, iyada oo hirgalinteedu ku soo beegantay bisha barakaysan ee Ramadaan, Isla markaana hirgalinteedu tahay Mid nooceedu ku cusub tahay dalka.

SOMALILANDPOST.NET