Raadka Cagafta Oo Sii Qoyanba Way Dhisan Yihiin Ganacsiyada Yar Yar Ee Wadooyinka Ku Teedsani

Hargeysa(SLpost)-Waxa maalmihii ugu danbeeyay magaalada Hargeysa ka socday olole lagu banaynaayo inta badan ee wadooyinka muhiimka ah oo hareerahooda ay buux dhaafiyeen ganacsatada yar yar ee meheradaha ka samaystaa.

ganacsi3 ganacsi ganacsi2 ganacsi1

Maayar Cabdiraxmaan Soltelco ayaa dhawr jeer oo uu warbaahinta uu ka haday waxa uu ganacsatada iyo cid kasta oo wadooyinka hareerahooda wax ka dhisatay amaray inay ka guuraan hareeraha wadooyinka oo qaarkooda la samaynaayo kuwo kalena la qurxinaayo.

Inta badan maayarada dalka ka soo ariminayay 24-kii sanadood ee ugu danbeeyay ayaa sida samayn jiray, waxaana wax iska caadi ah noqotay in ay dawladaha hoose ee dalku inay qorshe la’aan cagaf la dhex qaadaan ganacsiyada dadku ay ka samaystaan wadooyinka hareerahooda. mar kasta oo la burburiyo ganacsatadan yar yar waxa ay indhahaadu qabanayaan iyada oo hawlgalkan lagu fuliyay galinka hore isla markaasna galinka danbeba ay ku ganacsanayaan isla meeshii maanta galinka hore laga burburiyay.

Somalilandpost ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa sawirada wadada hareeraheeda oo lagu ganacsanaayo, waxaana haatan la gaadhay wakhtigii lays waafijin lahaa bilicda magaalooyinka Somaliland, ganacsatada iyo qofka macbiilka ah oo aan baran waxa uu doonayo inuu suuq u raadsado ee ka iibsada wadada hareeraheeda.

Somalilandpost

Hargeysa Somaliland