“Qurba-jooggu marka ay doorasho galaan ee ay lacago badani ka baxdo, way kululaadaan marka ay lacagtu ka dhamaato”

Cali Siciid

Xildhibaan Dogox

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiisk Somaliland Md Cali Siciid Raygal iyo Xildhibaan Saleebaan Daahir (Dogox) oo ka mid ah Golaha Deegaanka Caasimadda, kana soo baxay urursiyaasadeedkii doorashada lagaga adkaaday ee Xaqsoor, ayaa munaasibad ay ka qayb-galeen isku weydaarsaday erayo weerarar iyo is-difaacis ah.

Xildhibaan Dogox, ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay ku guul-darraysatay sugidda Amniga Garoonka kubadda Cagta, halka Wasiirka Ciyaaraha oo difaacaya xukuumadda uu isaguna uu weeraray xubnihii Qurbejoogga ah eek a qayb-gaatay doorashadii Golayaasha deegaanka oo Xildhibaan Dogox ka mid yahay.

Labada masuul oo ka hadlay munaasibad shirkadda Dollar Store qalabka Ciyaaraha ku guddoonsiiyey Xulka gobolka Hawd iyo Koobka Tartanka Ciyaaraha gobollada oo ay ku wareejisay wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha taas oo shalay ku qabsoontay Hotel Crown ee magaalada Hargeysa.

Mudane Saleebaan Daahir Cabdilaahi (Dogox) oo xafladaasi ka hadlay ayaa ku dooday inay habboonayd ilaalinta ammaanka goobta ciyaaraha lagu qabanayay halka dib looga digay wakhtiga qabsoomidda ciyaaraha.

“Waxaan rajaynayey inay ciyaaruhu dhacaan in kasata oo dib loo dhigay, dawladdana waxaan leeyahay meesha aad marka hore doonaysaan inaad ciyaaraha ka qabataan, waa inaad amaankeeda sugtaan, marka aad amaanka meesha sugto ayaad wax qaban kartaa,” ayuu yidhi Xil. Dogox.

Cali Siciid
Cali Siciid

Dhinaca kale, Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada oo daba socday hadalka xildhibaan Dogox, ayaa sheegay inay dadka Qurba jooga ahi kululaadaan markay Doorasho galaan ee ay ka baxdo lacag badan. “Qurba joogu marka ay doorasho galaan ee ay lacago badani ka baxdo, way kululaadaan oo marka ay lacagtu ka dhamaato,” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas ku daray, “Laakiin Saleebaan Dogox waxaan leeyahay adigu waad soo baxdaye’e ka ay boqol kun oo Dollar-na ka baxday ee haddana dhacay, ayuu calaacal u yaallaa.”

Somalilandpost/Hargeysa