Qoyska Muwaadin Lagu Xidhay Hargeysa oo ka Cabsi Qaba in Wiilkooda loo Gacan-geliyo Waddan Shisheeye

Hargeysa (SLpost)-Dawladda Somaliland ayaa toddobaadkii hore xabsiga u taxaabtay muwaadin magaciisu yahay Cumar Xasan Cumar, waxaanay qoyska muwaadinkani aad uga walaacsanyihiin in loo gacan geliyo dal shisheeye.

Muwaadinkan oo ah nin dhalinyaro ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda degmada Hargeysa, ayaa  wararka soo baxay ay sheegayaan in ay xadhigiisa dalbatay dawladda Denmark oo la sheegayo inay ku doodayso in muwaadinkani dhalashadeeda haysto. Waxaanay qoyska muwaadinkani aad uga war-warayaan in wiilkooda oo ah muwaadin Somaliland ah loo gacan geliyo dawladaas Denmark, iyaga oo  xukuumadda Somaliland ka dalbanaday inay aad uga taxadirto arrintaas.

Ma jiro heshiis iskaashi oo ka dhexeeya dawladda Denmark iyo Dawladda Somaliland, waxaanay dad badani isweydiinayaan sida ay xukuumadda Somaliland ugu dhiiran karto inay muwaadinkaas u gacan geliso dal shisheeye. Qoyska muwaadinkani waxa ay tilmaamayaan in haddiiba uu jiro dambi uu muwaadikani soo galay oo ay Denmark ay cadaymihiisa hayso ay tahay in lagu maxkamadeeyo wadankiisa oo aan loo gacan gelin dal shisheeye.

Qoyska muwaadinkan ayaa dalbanaya in wiilkooda xorriyadiisa loo soo celiyo mar haddii aanu jirin dambi uu galay oo ay dawladda Somaliland u haysato.

Hayu’adaha ammaanka oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin, laakiin hadal qaadka arrintani waa markii u horaysay ee lagu maqlo dawladihii kala dambeeyay ee Somaliland.

Inkasta oo aan weli la hubin in muwaadinkan loo dhiibi doono dalkaas shisheeye, haddana haddii ay dhacdo waxay noqon doontaa dawladii u horaysay ee talaabadan ku fulisa muwaadiniinteeda.

 

XIGASHO: Geeska