Qoyska Marxuum Ruqiya Siciid Ayaanle oo Mid ka mid ah Qareennada dalka ku eedeeyey inuu Dibin-daabyo ku Hayo Xukunkii lagu Riday Dadkii Dilkeeda ka dambeeyey

– Hay’ado si dadban u soo faro-gelinaya Wejiga labaad ee Racfaanka dadkii loo haystay Kiiskii Marxuumad Raaqiya oo Maxkamadda Gobolka Hargeysa Dil ku xukuntay iyo Xaddiga Kharash ay ku bixinayaan

–    Saamaynta Kiiska dilkii Raaqiya ee wali socdaa ku yeeshay Qoyskoodii iyo Gabadh ay Marxuumaddu dhashay oo Maxkamadda ku dhex-suuxday Axaddii toddobaadkan

Hargeysa, 12 August, 2014 (Himilo)- Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ay Walaalo yihiin Allaah ha u naxariistee Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo dabayaaqada bishii labaad ee sannadkan la dilay, isla markaana Meydkeeda laga soo saaray God looga qoday gudaha Dayrka Guri Hargeysa ku yaalla, ayaa eedayn culus u jeediyey Guddoomiyaha Ururka Qareennada Somaliland ee SOLA Foosi Sheekh Nuux oo uu sheegay inuu si ka baxsan Anshaxa Garyaqaannada uu ula dhaqmay, isagoo deedifeeyey Qareennimada uu ku difaacayo dadka kiiskaas dilka ah loo hayso oo ay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex afar ka tirsan xukun dil ah ku ridday.

SICIID AYAANLECabdirasaaq Siciid Ayaanle waxa uu sheegay in Khamiista toddobaadkan haddii ILLAAHAY yidhaahdo Dacwadda Racfaanka ay dadka xukunku ku dhacay ka qaateen Xukunka Maxkamadda gobolka Hargeysa lagu qaadi doono Maxkamadda Racfaanka ee magaalada Gabiley. Waxaanu Cabdirsaaq Siciid Ayaanle sidaa ku sheegay Waaysi gaar ah oo ay shalay la yeesheen Weriyeyaal ka tirsan Wargeyska Himilo.

“Salaan ka dib waxaan aad iyo aad ugu mahad-celinayaa, Jariiradda Himilo oo runtii Dhacdadan aan maanta ka hadlayo caalamka si weyn ugu bandhigtay iyo dadweynahaba, ugu horreyn dhacdadaas waxa laga joogaa waxa uu kiiskan Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle lagu dilay uu dhacay 28-kii bishii labaad ee sannadkan, Meydkeedana waxa godka laga soo helay 2-da bishii saddexaad 2014-ka, waxaanu ku guulaysannay laba bilood ka bacdi in Maxkamadda gobolku ay xukunto oo dhammaan la soo wada qabto dadkii eedaysanayaasha ahaa ee falkaas geystay. Maxkamaddu waxay afar qof ku xukuntay dil, inan-na (Gabadh-yar) waxay ku xukuntay toban sano oo xadhig ah.” Sidaa ayuu yidhi Cabdirisaaq.

Waxaanu Xoghaye Cabdirisaaq intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Markii arrintaasi dhacday Racfaan bay qaateen uu Sharciga innoo yaallaa dhigayo, laakiin annagu waxaannu jeclayn in Sharciga Islaamiga ah lagu xukumo, haddana Sharcigeenna innoo yaal ayaa dhigaya in Maxkamadda gobolka, Racfaanka iyo Maxkamadda sare ay kiisasku jaranjarrooyinkaas maraan. Racfaanka muddadii loogu talo-galay bil ayay ahayd, bishii Ramadaan baa soo gashay, Ramadaan-tana waxa la fasaxaa Garsoorayaasha, bishaa labaad halkaas buu kiisku ku qaatay. Maalintii Ramadaantu dhammaatay ayaannu u tegnay Guddoomiyaha Maxkamadda, Guddoomiyaha Maxkamaddu waxa uu diyaariyey in la soo saaro, waxa kale oo uu diyaariyey Xeer-ilaalinta, Afar Garsoore ayaa gala Racfaanka maalin baa la dhagaystaa ama laba.”

Cabdirisaaq oo ka hadlaya qaabka uu Kiiskani u bilaabmay markii uu u soo gudbay Maxkamadda labaad ee Racfaanka, waxa uu yidhi; “Dadka dembiilayaasha ah ee Xukunku ku dhacay ee Racfaanka qaatay markay Qareen qabsan waayaan waxa waajib ah inay Maxkamaddu Qareen u qabato. Racfaanka iyagaa soo qortay, sidiibaa Axaddii loogu talo-galay in Maxkamadda la galo Racfaanka, waxa loo qabtay Garyaqaan, Lacagtana dawladda ayaa bixinaysa sida sharciga ah. Markii kiiskii loo soo fadhiistay Maxkamadda Axaddii ee Garyaqaanki u tegay ee uu doonay inuu la soo hadlo si uu wax uga weydiiyo cabashadooda, ayay diidday Gabadhi (Gabadha dilka lagu xukumay ee dhashay saddexda Carruurta ah ee lala xukumay), waxay tidhi adigu Qareen ii noqon maysid.”

“Maxkamaddii markii la soo fadhiistay Gabadha waxa la weydiiyey waakan Qarankaagii laguu qabtay ee ma adigaa doodaya mise Qareenkaa kuu doodaya? Waxay tidhi; ‘Qareen kale ayaan qabsanayaa. Maxkamaddu way naga baxday, waxay go’aan ku gaadhay in kiiskaas loo muddooyo toban cisho, Gabadhana laga rabo inay Qareen soo qabsato, waxay tidhi; ‘Qareen Foosi baa ii doodaya (Guddooimyaha Ururka Garyaqaannada Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Waxaanu Cabdirisaaq oo hadalkiisa sii wataa yidhi; “Foosi baa lala hadlay annagoo Maxkamadda fadhina, Garyaqaan Foosi wuxu yidhi; ‘aniga weli Qareen iimay qabsan, laakiin haddii immika ay Qareen ii qabsato waan u doodayaa. Waxaanannu u aragnaa in ay war-wareegid tahay, Gabadhuna way ku adkaysatay. Laakiin, waan deedifaynaynaa annagu Ninkaas Garyaqaan Foosi la yidhaahdo oo aan u qalmin Shaqadaas oo aannu u aragno inuu Kiiskan qayb ka ahaa oo uu ka qayb-qaatay dilkii Walaashay oo ay isku shaqaysanayeen dadkan xukuman.”

Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ka jawaabayey su’aal aannu ka weydiinnay inuu eedayn culus u jeediyey Garyaqaan Foosi oo uu ku eedeeyey inuu aamminsan yahay inuu dilkii Walaashii Marxuumad Ruqiya ka qayb-qaatay oo ay Kooxda Xukuman isku-shaqaysanayeen, bal waxa uu ku caddaynayo eedayntaas culus ee uu u jeediyey Garyaqaanka, waxa uu Cabdirisaaq yidhi; “Waxaan ku caddaynayaa, Garyaqaan Foosi waa ninka igu yidhi; ‘Dadkan kiiska loo haystay Inta reer Kiinna mooyee inta kale waan sii-daynayaa waanad arki doontaa. Waa ninka naga sii-daayey Ninkii Gabadhan Carruurta dhashay qabay. Markaa, sababta uu dad dembiilayaal ah oo aan ii kala dhawayn iigu lahaa inta aad isku reerka tihiin mooyee inta kale waan kaa siidaynayaa ee kuwa reerkiinna isku hadha, waxaannu u aragnaa inuu kiiskaa qayb ka ahaa.”

Sidoo kale, Cabdirisaaq oo aannu weydiinnay inay wax cabsi ama dareen ah ka qabaan in Kiiskaas ay go’aanka ka gaadhay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee dilka ah, in Qareenkaasi meesha ka saari karo, waxa uu yidhi; “Maya wax cabsi ah kama qabno, kalsooni-darrana nagama haysato in kiiskan wax iska beddelaan, waayo? Waa kiis cad oo ummadda oo dhan baa og. Laakiin, markuu Qareenkani aniga sidaa igu yidhi, Gabadhanina ay aad ugu adkaysatay, waxa noo muuqata inuu ninkani (Foosi) inuu meesha dhibaato uun ka wado. Midda kale, waxa la yidhaahdaa lacag baa la bixiyaa, Lacagta cidda qaadataa Garsoorayaasha maaha ee waa Qareennada Qaarkood uu Foosi ugu horreeyo, waxa la ii sheegay in immika Kiiskan uu ku galayo Lacago ay Hay’ado bixinayaan oo illaa labaatan kun oo Doollar ah.”

Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo aannu weydiinnay maaddaama oo qaabka Walaashii Marxuum Ruqiya loo dilay ahaa qaab fool-xun oo Somaliland ku cusub, isla markaana guud ahaan bulshadu aad uga naxday, balse intii ka dambaysay dhimashadeeda ee kiiska ay ku guda jireen qoys ahaan saamaynta ay ku yeelatay, ayaa sheegay inay saamayn badan ku yeelatay Qoyska.

Waxaanu Cabdirisaaq oo su’aashaa ka jawaabayaa yidh; “Horta, Geeri naxdin leh ayay ahayd, dadka Somaliland, Soomaalida iyo Caalamkuba runtii way nala qaybsadeen naxdintaa, Geeriduna waa xaq oo qof waliba maalintiisa ayuu dhimanayaa. Laakiin, saamaynta uu nagu yeeshatay Kiiskaasi waxaa ka mid ah shalay (Axaddii) oo u dambaysay Hablihii Marxuumaddu dhashay mid ka mid ahi markay aragtay dadkii Hooyadeed dilay oo Maxkamadda la keenay oo leh aniga Qareenkan la ii qaban maayo Maxkamadda ayay ku Suuxday, markasta oo Kiisku soo noqdana Maskaxdaadu way soo celinaysaa Xasuustaas. Markaa, immika waxaan go’aansannay inaannaan Hablaha Marxuumaddu dhashay iyo Hooyday iyo dhammaantoodba Maxkamadda aannaan mar dambe geynin, waayo? Uma adkaysan karayaan.”

Cabdirisaaq oo ka jawaabeyey su’aal laga weydiiyey in dadka ay Maxkamadaha Somaliland xukunnada dilka ah ku ridaan inta badan aan la fulin, isla markaana la sheego inay Hay’ado caalami ah oo ka soo horjeeda dilka qisaasta ahi ay lacag ku bixiyaan sidii aanay u fuleen dilalkaasi, sidaa awgeed bal inay jiraan wax culays ama cadaadis ah oo Hay’adahaas kaga yimi, waxa uu yidhi; “Taas immika Qareenkaa Foosi ka hor maannaan arag intii hore ee ay Maxkamadda gobolka maraysay, laakiin immika intan ay u soo gudubtay Wejiga labaad wararku waxay sheegayaan ninkaa meesha loo soo marayaa waa ninkaas, Lacag labaatan Kun oo Doollar ah bay Haya’aduhu bixinayaan, welibana waa Guddoomiyihii Qareennada isagu, Qareen labaad inuu soo kaxaysanayana waa la ii sheegay.”

Gebo-gabadii Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo la weydiiyey rejada ay ka qabaan qoys ahaan wejiga labaad ee Maxkamadda Racfaanka ee kiiskani marayo, ayaa sheegay inay ka qabaan rejo fiican, isla markaana ay Allaah ka rejaynayaan inuu Kiiskaas ugu dhammeeyo sida ugu habboon oo uu dadkaa xaq-darrada u geystay ee xukunka dilka ahi ku dhacay caddaaladda la marin doono oo waxay kasbadeen ay la kulmaan iyagoo sharciga hortaagan.

XIGASHO: wARGEYSKA Himilo