Qorshaha Sahanka Maalgeshiga Somaliland Oo Laga Shiray

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Somaliland ayaa kullan u qabatay qaar ka mid ah maalgashadeyaal reer Somaliland.

Kulankan Waxa Hoggaaminayay Agaasime Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cismaan Siciid iyo Agaasimaha Waaxda Maalgashiga Cabdale Maxamuud Sheekh Cabdilaahi, iyo Madaxa Diwaangelinta Waaxda Maalgashiga ee Wasaaradda Ciise Cismaan Cilmi,

Kulanka oo ku qabsoomay xarunta wasaaradda Maalgeshiga, ayaa diiradda lagu saaray Sidii ay isku baran lahaayeen Wadaagayaasha kala duwan ee Maalgashiga,  Sidii loo xoojin lahaa isku xidhka Wasaaradda iyo Maalgashatada qaybaheeda kala duwan iyo Sidii loogu diyaar garoobii lahaa ka qayb qaadashada diyaarinta qorashaha sahanka maalgeshiyada caalamiga ah.

Advertisement

Advertisement