Qorshaha Qatar ee doorashada Soomaaliya: Lacagaha dalka la gelinayo iyo sida loo qarinayo

 

Muqdisho (SLpost)– Xogo aanu ka helnay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxa hay’adda sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin, bilaabay qorshihii ay Qatar doorashada ugu shubi lahayd kooxda ay rabto ee haatan ba talada dalka haysa, in kasta oo iyaga dhexdooda khilaaf ka taaganyahay.

Fahad Yaasiin oo ka hor intii aan sida istiraatijiga ah loogu soo darsan xukuumadda Farmaajo ee aanu agaasimaha ka noqon madaxtooyada haatanna looga dhigay madaxa hay’adda NISA ka tirsanaan jiray sirdoonka Qatar ayaa siyaasiyiinta Soomaaliya ee madaxa bannaan iyo dadka ka faalooda arimaha Soomaaliya labaduba ku sheegaan in uu yahay ninka talada dalka gacanta ku haya.

Xogtu waxay sheegtay in Fahad durba bilaabay qorshihii uu lacagta Qatar ugu talo gashay in lagu laaluusho xildhibaannada kaga soo qaadi lahaa Dooxa isaga oo adeegsanaya diyaarada Qatar Airways. Si qorshihiisaa uu wakiilka uga yahay sirdoonka Qatar u meel maro waxa uu isku dayey in uu meesha ka saaro wakiilkii shirkadda diyaaradaha Qatar Airways oo uu marka horeba u arkayey in aanu xaq u lahayn inuu shaqadaa helo maadaama oo uu yahay qof ka soo jeeda Somaliland. Qofkaasi waa agaasimaha shirkadda Horn Travel and Cargo Agency oo tartan xalaal ah la gashay shirkado badan oo wadanka laga leeyahay kuna guulaystay tartankii maadaama oo uu buuxiyey shuruudihii shirkaddu doonaysay.

Si hadaba qorshaha ninka Qatar ay Soomaaliya ku soo dhex darsatay u fulo, Horn Travel and Cargo Agency waxay ku guulaysatay tartan xalaal ah waxaanay suurto gelisay in shirkadda diyaaradaha ee Qatar Airways duulimaadyo ka bilowdo magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho. Laakiin arintaasi muu jeclaysan Fahad Yaasiin oo u arka dadka reer woqooyiga ah in aanay xaq u lahayn in ay dalka wax ku yeeshaan ama kaba shaqaystaan. Waxaanu u adeegsadaa awoodda xafiiskiisa oo waxaa haatan ba xabisyada ugu jira dhalin yaro door ah oo gobolladaa ka soo jeeda.

Sarkaal sare oo ka tirsan NISA hase yeeshee codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in hab dhaqanka noocaas ahi caadada Fahad yahay ee aanu ceebtii ahayn. Waxaanu intaa ku daray in uu Fahad awoodda u adeegsado inuu ku helo dhaqaale kuna fuliyo awaamiirta Dooxa laga soo siiyo. Waxaanu yidhi waxa uu adeegsadaa wax kasta oo uu ku helayo waxa uu doonayo oo ay ka mid yihiin xadhig sharci darro ah, hanjabaad  iyo caga juglayn iyo xataa dilal khaarajin ah.  Hase yeeshee mulkiilaha Horn Travel and Cargo Agency markii uu u debci waayey hadadaadii Fahad iyo caga juglayntii uu ku xidhxidhay qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda, ayaa Fahad oo arrintaa ka cadhaysani amar ku bixiyey in la khaarajiyo laba goor ayuu ka badbaaday rasaas lagu furay baabuurkiisa oo la doonayey in lagu khaarajiyo.

Si qorshihoodu u hir galo, waxa ay madaxa NISA iyo safaaradda Qatar ee Muqdisho shaqadii amaanka iyo baadhitaanka shirkadda Qatar Airways ku wareejiyeen shaqaale ajaanib ah, waana shirkadda keli ah ee caalami ah ee aanay shaqaale Soomaali ahi u shaqayn kuwa madaarkana laga ilaaliyo in ay hawlaheeda ogaadaan.Tallaabadaas ayaa ujeedka laga leeyhay tahay in laga ilaaliyo idhaha laamaha kale ee dawladda lacagaha kaashka ah ee Dooxa laga keenayo ee la soo saarayo diyaaradda Qatar leedahay.  Waxaana sidoo kale qoraal nabad sugidda ka soo baxay oo ay tasdiiqisay safaaradda Qatar ee Muqdisho lagaga qaaday shaqadii shirkaddii Horn Travel and Cargo Agency.  Waxana qaybtii iibka tigidhada haatan lagu wareejiyey shirkad uu leeyahay nin ay xidid yihiin Fahad Yaasiin oo aan qudhiisa loo ogolayn in uu fara geliyo hawlaha diyaaradda ee madaarka weyn ee Aadan Cadde International Airport maadaama aan la doonayn in dad Soomaali ahi hawlaha halkaa ka socda ay ogaadaan.

Tan iyo markii xukuumadda Farmaajo la safatay dalalka Qatar iyo Turkiga, waxa ay labadaa dal gacanta ku dhigeen milatariga iyo nabad sugidda Soomaaliya iyaga oo doonaya in ay helaan goob ay kala dagaallamaan dalalka Carbeed ee diiddan taageerada ay labadan dal siiyaan ururrada Islaamiga ah gaar ahaan kuwooda Islaamiyiinta siyaasiga ah sheegta iyo weliba taakulada maaliyadeed iyo ta mukhaabaraad ee ay siiyaan kuwa xag jirka ah ee hubaysan.

 

Somalilandpost.net

Xafiiska Muqdisho