“Qolooyin Baqanaya ayaa jira, Hadaydaan Tartami Karayn Saaxadda Iska Sii Banneeya” ~ Kulmiye Oo Hanjabay

Saylac (SLpost)- Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo muddo toddobaad ka badan safar shaqo ku marayey gobollada dalka, ayaa maanta kulan ballaadhan oo hawlaha xisbiga lagu dardargelinayo la qaatay taageerayaasha kala duwan ee xisbiga KULMIYE ee ku dhaqan magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selel.

Munaasibad ballaadhan oo ay kasoo qaybgaleen maamulka gobolka, ka degmada ee xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa, islamarkaana ay ku sugnaayeen cuqaasha, waayeelka, dhallinyarada haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee taageerayaasha u ah xisbiga KULMIYE oo lagu qabtay gudaha magaalada Saylac, ayey weftiga iyo taageerayaashu isku xogwaraysteen, si qoto dheerna wax isaga weydiiyeen muhiimadda ay leedahay in hoggaanka xisbiga iyo taageerayaashiisuba xoojiyeen isku xidhnaantooda.

Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo hadal ka jeediyey munaasibadda ayaa ka warramay qorsheyaasha siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye iyo tartanka doorashooyinka ururrada siyaasadda iyo madaxtooyada.