“Qofku hadduu naftiisa ilaalin waayo, ma filayo inuu Qaran ilaalin karo” – Xildhibaan ka hadlay Xadhigga Cabdimaalik Coldoon

“Dad baa is-qarxiya oo umad dhan baabiya, waxay aaminsan yihiin meesha ay galayaan inay ka wanaagsan tahay halka ay ku nool yihiin . Markaa haddii uu qofku sidaas u dhaqmayo in halkiisa la iskaga xidhaa arrin haboon weeyaan,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Tima-jilic.

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Axmed Ibraahim (Tima-jilic) oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay xadhigga Cabdimaalik Muuse Coldoon oo toddobaadkii hore Ciidammada ammaanku xabsiga u taxaabeen.

Xildhibaan Axmed Ibraahim (Timo) waxa uu sheegay inay xukuumaddu ku saxsan tahay xadhigga Cabdimaalik Muuse Coldoon oo uu xusay inuu ku kacay tallaabo halis ku ah ammaanka Qaranka iyo ka naftiisaba.

“Dad baa is-qarxiya oo umad dhan baabiya, waxay aaminsan yihiin meesha ay galayaan inay ka wanaagsan tahay halka ay ku nool yihiin . Markaa haddii uu qofku sidaas u dhaqmayo in halkiisa la iskaga xidhaa arrin haboon weeyaan,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Tima-jilic.

Advertisement

Xildhibaanka oo hadalkiisa ka hadlayey, wuxuu yidhi, “Coldoon, in la xidho isagay dan u tahay baan aaminsanahay, waayo qofka waalidka ah ee uu Ilmahiisa ka dhalleeceeyey gacantiisuu wax kaga qabsan lahaa, isaga ayey nabad-gelyo u tahay, fidno kale oo dhici lahaydna, waxaan isleeyahay badbaado qaran ayay tahay.

Xildhibaan Axmed Ibraahim waxa uu nidaam qaldan oo sharciga baal-marsan ku tilmaamay qaabka uu Cabdimaalik Muuse Coldoon warbaahinta ugu soo bandhigay dhaliilaha uu u jeediyey Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo, waxaanu sheegay inuu taas beddelkeeda fursad u haystay inuu u arrrimahaas u gudbiyo hay’adaha ku-shaqada leh.

“Qaran baynu nahay, waxaynu leenahay hay’ado dowladeed oo ay tahay in lagu ilaaliyo. Wuxuu xaq u leeyahay inuu qoraal sameeyo oo uu keeno wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, wuxuu xaq u leeyahay inuu arrin soo gaadhsiiyo Xildhibaannada la soo doortay ee isaga metala, wuxuu xaq u leeyahay inuu keeno wasaaraddii Tarbiyadda iyo Tacliinta, wuxuu xaq u leeyahay. Haddiise uu warbaahinta ka hadlayo, waa inuu ilaaliyaa wax kasta oo fawdo ama dhibaato keenaya, isaguna naftiisa ilaaliyo. Qofku hadduu naftiisa ilaalin waayona, ma filayo inuu Bulsho ama Qaran ilaalin karo.” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Ibraahim Tima-jilic

Follow us On