Qofkii u horreeyey ee Maraykanka Gudihiisa lagaa helay Cudurka Ebola oo maanta geeriyooday

Dallas (SLpost)- Nin u dhashay waddanka Liberia oo noqday Qofkii ugu horreeyey ee Maraykanka gudihisa laga helo Cudurka Ebola, ayaa maanta subaxnimadii hore ku geeriyooday cusbitaal ku yaala magaalada Dallas, gobolka Texas ee Maraykanka.

Ninka xannuunka u dhintay oo lagu magacaabi jiray Thomas Eric Duncan oo muddo todobaad ah ku jiray cusbitaalka magaalada Dallas oo xaaladdiisa caafimaad lagu karantiimeyey, ayaa dalka Maraykanka socdaal ku tagay dabayaaqada bishii hore, isaga oo ka tagay waddanka uu u dhashay ee Liberia oo ka mid saddex waddan oo ku taala Galbeedka Qaaradda Afrika oo cudurkani si baahsan ugu fiday isla markaana sababay dhimashada kumanaan qof.

Ebola“Annaga oo si weyn uga murugaysan, waxaanu idinku war-gelinaynaa dhimashada Thomas Eric Duncan oo saaka (shalay subax) geeriyooday,” sidaas waxa saxaafadda u sheegay afhayeen u hadlay cusbitaalka uu ninkani ku geeriyooday.

Mr Duncan ayaa cudurkani soo ritay ka dib markii uu gaadhay gobolka Texas bishii hore 20-keedii si uu qoyskiisa oo halkaas deggen u booqdo, taas oo sii kordhisay cabsi laga qabay in cudurka Ebola oo xun u saameeyey saddexda waddan ee Sierra Leone, Liberia iyo Guinea ee Galbeedka qaaradda Afrika, uu ku fido dunida inteeda kale. Waxa ilaa wakhtigan baadhitaanno lagu wadaa 48 qof oo ninka cudurkan u dhintay uu xidhiidh la sameeyey.

Cudurka Khatarta ah ee Ebola waxa ilaa immika saddexdaas waddan ugu dhintay in ka badan 3,400 qof ilaa wakhtigii fidintaankiisu dillaacay bishii March ee sannakan, tiradaas oo kala-badh ah dadka uu cudurkani asiibay, sida ay shaacisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee WHO. In kasta oo dhowr qof oo Maraykanka u dhashay oo cudurkani ku haleelay Galbeedka Afrika loo duuliyey waddankooda si looga daaweeyo, Duncan waxa uu noqday oqfkii ugu horeeyey ee astaamaha cudurku ku soo if-baxaan isaga oo ku sugan gudaha dalka Maraykanka.

Waxa kale oo cudurkan laga helay Kalkaaliso caafimaad oo u dhalatay dalka Spain oo daawayn jirtay baadari u dhashay mid ka mid ah dalalka waddamada Galbeedka Afrika ee cudurkani faraha baas ku hayo, waxaana xaaladdeeda caafimaad lagula tacaalayaa cusbitaal ku yaala magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain.

SOMALILANDPOST.NET