“Qofka laba Goor Umaddu cod siin wayday inuu isqiimeeyo weeye,Musrashaxanimada faysal-na waa Qandaraas meel kale ka socda” Xuseen Axmed caydiid

Hargeysa (Somalilandpost)-Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan saraakiisha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay khilaafka UCID, Arrinka Axmed Muumin Seed iyo Murashaxnimada Faysal Cali Waraabe.

Wasiirkii hore ee cadaaladda oo kamid ahaa garabkii isbahaysiga dimuqraadi doonka ah ee KULMIYE ee ku biirey WADDANI, ayaa mar uu ka hadlayay khilaafka xisbiga UCID, waxa uu sheegay inay xukuumadda Somaliland iyo xisbiga KULMIYE ka dambeeyaan, waxaana uu xukuumadda ku eedeeyey inay ku talo gashay inay bur-buriso ama ugu yaraan ay daciifiso xisbiyada qaranka Somaliland sida ka jirta mandaqadda Afrika, isagoo arrinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

waraaabe

“Khilaafka UCID maalintii la sii sheegayay ta KULMIYE ayaa taagnayd maalintii la lahaa UCID buu iman doonaa oo Jamaal iga reeba ayuu odhan doonaa, tiibaa timi oo khilaafkaas UCID dan siyaasi ah ayuu KULMIYE ka leeyahay oo (Codku) yaanu xagga Jamaal u dhicine xagga Muuse ha u dhaco ayuu saalixiisa u arkaa, Axmed Muumin Seed-na waxay igu maqaalo ah inuu KULMIYE guddi u xilsaaray sidii uu Murashaxa Madaxwayne kuxigeen u noqon lahaa oo uu KULMIYE danaynayay, iminkana buun-buuninta Axmed Muumin Seed ayaa meel lagaga dhacay waxa buun-buuninayaa waa KULMIYE, markaa waxaad moodaa halkii xisbiyada laga korin lahaa ee laga dhawri lahaa xisbi ayaad moodaa inuu ku talo galay sida Mandaqadda (Afrika) ka taagan, xisbi wayn oo xukuumadda mar walba dhisa iyo xisbiyo yar-yar oo mucaarid ah oo cilaano ah inay abuurmaan ninbay aragtidiisa tahay KULMIYE hogaamiye ka  ah, markaa waxaan qabaa labadaas xisbi bur-burintooda iyo nay daciifiyaan oo labada xisbi ee mucaaridka ahi aanay noqon xisbiyo awood leh oo sixi kara xukuumadda ama kula tartami kara waxaan qabaa inuu khilaafkaas meel kala socdo” ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid oo u waramay shabakadda wararka ee Hadhwanaag News

Geesta kale Xuseen Axmed Caydiid ayaa ka hadlay Murashaxnimada Faysal Cali Waraabe, waxaana uu ku tilmaamay murashaxnimo cid kale loogu adeegayo, isagoo Faysal-na u soo jeediyey inuu is qiimeeyo maadaama uu laba jeer oo hore dhacay, waxaana uu yidhi:

“Musharaxnimada Faysal waa qandaraas meel kale ka socda, qofku inuu is qiimeeyo weeye, qofka laba goor ay umaddu cod siin wayday ee meel gaadhi waayay inuu taagnaado uun anigu runtii go’aan saliim ah uma arko laakiin cidbay ugu badinaysaa dabadeedna cidaas ay ugu badinayso ayuunbaa loogu adeegayaa sidan, musharaxnimo cidna lagu garbinayo cidna lagu gufanayo ayuunbay taasi tahay”