Qof Doonayay Inuu Miino Ku Aaso Isgoyska Sanca Ee Magalada Mugdisho oo Isagii Ay Ku Qaraxday

Muqdisho(SLPOST)-Maamulka degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho ayaa manta waxa ay soo bandhigeen wiil dhalinyaro ah meydkiisa.
Wiilkan ayaa waxa la sheegay in ay ku qarax day miino uu ku asayay  meel ku dhaw isgoyska Sanca.

Dad soo arkay meydka kaasi ayaa sidaa uu shegay warbaahinta qarkood  waxayna  sheegeen in jirkiisa uu go-go ay waxaana maamulka Degmada Kaaraan ay sheegeen in dhibaatadii uu shacabka umaleegayey isaga ku koobnaatay.

Gudoomiyaha Degmada Kaaraan Cali calasoow Xasan ayaa sheegay in qof dhibaato la rabo shacabka somaliyeed allah uu ka qabanayo sida wiilkii xalay miinada la qaraxday.

Al shabaab ayaa dhawr jeer waxay ku guuleysteen miinooyin ay ku aaseen dhulka hoostiisa in hadafkii laga lahaa waxaase dhawr jeer dhacday in dhalinyaro ay ku waayaan noloshoodii xir xirista miinada ama iyagoo duugayey.

Somalilandpost
Hargaysa