Qodobbada lagaga hadlay Kulan Dhexmaray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Safiirka Midowga Yurub

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez.

War kooban oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Maxkamadda Sare oo lagu faahfaahiyey arrimaha ay labada masuul kaga hadleen kulankooda, ayaa u qornaa sidan:-

“Kulanka oo ahaa mid booqasho, ayaa waxa uu ku bilaabmay is-xog waraysi guud, oo la xidhiidha is-kaashiga soo jireenka ah, ee ay wadaagaan dawladda Somaliland iyo Midowga Yurub, waxaanay iska xog waraysteen arrimo la xidhiidha xaalada dalka, gaar ahaan hay’adda garsoorka dalka iyo doorkii ay ka qaadatay geedi-socodka doorashada, waxaanu safiirku ku bogaadiyay garsoorka sida wanaagsan ee ay u maamuleen dacwadihii la xidhiidhay natiijadii hordhaca ahayd ee doorashada. Waxaanu xusay in Midowga Yurub xoojinayo iskaashiga ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland, geesta kale safiirka Midowga Yurub Amb. Nicolas Berlanga waxa uu Somaliland u rajeeyay in ay si hufan oo daah-furan ugu dhamaato arrimaha kale ee la xidhiidha doorashadu.

Advertisement

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu safiirka uga mahad-celiyay kor-u-qaadida is-kaashiga ay waddaagaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Midowga Yurub, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in la balaadhiyo wada-shaqaynta ka dhexaysa labada dhinac.

Allaa mahad leh.”

Follow us On