Qisada Basaaskii reer Masar ee badbaadiyay Israel iyo Xogo Cusub oo la daah-furay

 

Qormadan waxaanu ku eegi doonaa Warbixin laga qoray qisada basaas u dhashay dalka Masar oo sirta dalkiisa u gudbin jiray Yuhuudda xilligaas uu socday dagaalkaasi. Ninkani waxa uu ka hawl-geli jiray madaxtooyada dalka Masar, isagoo la soo shaqeeyey labada madaxweyne oo dalkaas soo maray xilliyadii u dhaxaysay 1960-kii ilaa 1975-kii.

Qoraa u dhashay dalka Israel oo lagu magacaabo Bar-Joseph oo daraasado ka sameeyey heerarka kala duwan ee hawl-gallo sirdoon oo Carabta iyo Israaiil isu-adeegsadeen,  ayaa toosh cusub ku ifiyay mid ka mid ah kiisaska ugu xiisaha badan ee basaasnimo ee soo mara taariikhda dagaalkii dhexmaray dalalka Carabta iyo Israel.

Saddex iyo afartan sano kadib dagaalkii 1973 ee u dhaxeeyay dalalka Masar iyo Suuriya oo isku dhinac ah iyo Israel, waxa soo if-baxay buug cusub oo uu qoray qoraaga reer Israel ee lagu magacaabo Uri Bar-Joseph oo daaha ka fayday qisooyinka mid ka mid ah kiisaska ugu xiisaha badan ee la xidhiidha hawl-gallada basaasnimo ee soo maray taariikhda dagaalkii dhexmaray Carabta iyo Israel oo sheekadiisa ilaa maanta la hadal hayo.

Warbixinta laga qoray qisadan oo Qorayaasha Somalilandpost.net Soo tarjumayeen, waxa uu Bar-Joseph ka sheekaynayaa mid ka mid ah basaasiintii reer Masar ee ugu waaweynaa uguna waxtarka badneyd intii lagu jiray xilligii Dagaalkii Yom Kippur, basaaskaas oo fursadda uu u helay inuu ka ag-dhawaado madaxtooyada Masar iyo Goobaha go’aamada adag lagu gaadho, dagaalka ka hor iyo ka dibba, ay isaga ka dhigtay Basaas noociisa oo kale mar la-arag yahay kaas oo Israa’iil aanay fursaddiisa ah inay hesho aanay lumin karin.

Basaaska reer Masar oo lagu magacaabi jiray Ashraf Marwan, ayaa ka hawl-gali jiray Xafiiska Madaxweynihii Masar ee xilligaas Jamaal Abdi Nasir. Waxa kale oo uu la shaqeeyey madaxweynihii ka dambeeyey Anwar Saadaat.

Intii uu ka shaqaynayay Hawlaha Basaasnimada, wuxuu kaalin muhiim ah ka geystay una suurto-galiyey Israaiil inay ku guulaysto dagaalkii 1973-kii oo markii hore lagu jabiyey hadday tahay furinta hore ee ay dagaalka kagala jireen ciidamada Masar iyo Kuwa Suuriya.

Sheekada uu soo tabiyey qoraagani ayuu si cad ugu muujinayaa Marwan inuu yahay halyey ka tirsanaa Sirdoonka Israa’iil ee Mossad oo uu shaqsi qaali ah ahaa, laakiin waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in Marwan dalkiisa ka ahaa khaa’inul waddan sirta qarankiisa ka iibiyey cadowga xilli dagaal lagu jiro.

In kasta oo Marwan oo magaciisa qarsoon ahaa “Angel” uu Sirdoonka Israel ku war-geliyey xogtan 24 saac ka hor intaan la qaadin weerraradii lama filaanka ah ee ciidamada Carabta waxa kalsoonida lagu qabo kari kor u sii qaaday xogtii uu hore uga soo gudbin jiray qorshaynta dagaal ee militariga Masar oo sababtay in Yuhuuddu si toos ah ula socotay dhaq-dhaqaaqyada Milatari ee Masaarida.

Bar-Joseph wuxuu buuggiisa ku soo bandhigay su’aal muhiim ah oo ay Bahda Sirdoonka Caalamka iyo dadka Shacabka ahiba tobanaan sanno iska weydiinayeen qisada basaasnimo ee Marwan.

Su’aashan ayaa sababta sababta Basaas ay Mossad ku kalsoontahay oo qaadanayey lacag u dhaxaysa 50 ilaa 100kun Dollar mar kasta oo uu sir u soo gudbiyo iyo hadyado kale, uu kaliya 24 saac ka hor dagaalka u soo gudiyey xogta weerarka Ciidamada Carabta? Muxuu u soo gudbin wwaayey maalmo ama todobaad ka hor dagaalka?

Bar-Joseph wuxuu sheegay in Marwan uu xogta weerarka ku ogaaday si kadis ah – isagoo ka helay macluumaad uu soo garoocday xilli uu ku maqnaa London. Muxuu markiiba Marwan telefoon ku dawakhiyey xarunta Mossad isagoo ka dalbaday inuu madaxdiisa la kulmo, sidii uu horeyba u sameeyn jiray markii uu xogta gudbinayo, si uu uga digo dagaalka soo socda.

Bar-Joseph sida uu buuggiisa ku xusay, wuxuu si xeeladeysan meesha uga saarayaa aragtida ah in Marwan uu ahaa Basaas u shaqaynayey labada dowladood oo kaliya go’aansaday inuu ku wargaliyo Israel weerarka 24 saac ka hor dagaalka oo xilli dambe ahayd..

Qoraagu wuxuu ku doodayaa in sirdoonka Masar aanay marnaba awoodi karin inay adeegsadaan qof xidhiidhadiisu sarreeyaan sida Marwan oo isagu qabay gabadh uu dhalay Madaxweynihii Masar ee xilligaas Jamal Cabdi Nasser, inuu noqdo basaas laba waddan u shaqeeya iyagoo ka cabsi qaba khataraha doorka noocaas ahi uu u keeni doono.

Waxa kale oo uu ku doodayaa in sirdoonka Masar ay ahaayeen hiwaayad isla markaana aanay fulin karin nooca hawlgallada casriga ah ee basaasiinta laba wejiilayaasha ah ee ay u badheedhaan hay’adaha sirdoonka Reer galbeedka.

Sida uu qoraagu sheegay, Israa’iil way ogayd inaanu shaki kujirin dagaal inuu imanayo. Sirdoonka Israa’iil ayaa sidoo kale ogaa in Masar aanay lahayn awood militari oo ay ku qaado dagaal saf ballaadhan ah si ay dib ugu soo ceshato dhulka Sinai oo dhan. Ciidankii Anwar Sadat, sida ku cad xogihii basaasnimo ee Marwan, way ka awood liiteen milatariga Israel wayna ka itaal yaraayeen sida ay Masaaridu saadaalinaysay inay noqon doonaan.

Waxa uu Bar-Joseph ju doodaya in Marka laga hadlayo fashilka sirdoonka Israel ee dagaalkaas, sirdoonkeeda militariga wuxuu isku qufulay in ay saadaalinayaan xaaladaha ay Masar ku soo weerari karto Israel.

Taasi waxay ka dhalatay Ismaan-dhaaf u dhexeeyey Taliyihii sirdoonka milatariga Isra’iil Eli Zeira oo isagoo ka fekeraya xaaladda dagaalka uu shaki ka qabay xogaha basaasnimo ee Marwan iyo Agaasimihi haya’dda Sirdoonka Israa’iil ee Mossad Zvi Zamir oo isagu kalsooni buuxda ku qabtay Marwan iyo xogaha uu u soo tebinayo.

Ashraf Marwan wuxuu ahaa basaas noociisa oo kale aan la helin. Wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo jiray da’da 20-jir-ka, wuxuu qabay gabadh uu dhalay madaxweynihii Masar Jamaal Abdel Nasser, wuxuuna ka shaqeyn jiray xafiiska madaxweynaha. Marka xaaladda guud la eego, kumuu jirin xaalad ku kallifi karta inuu soo wejahdo sabab muuqata oo uu sirta dalkiisa uga iibiyo cadowgooda koowaad.

Qoraaga Buuggu sawirayaa wejiga taariikheed iyo maskaxeed ee Marwan kaas oo sharraxaad ka bixinaya wixii ku dhiirri-geliyey inuu ku kaco khiyaamo qaran oo uu waddan cadowgiisa ah kaga iibiyo Xogaha sirta ah, Diyaaradaha dagaalka iyo kulamada uu madaxweynaha dalkiisu la yeelanayo hoggaamiyeyaasha Midowgii Soofiyeeti iyo Carabta.

Waxa uu qoraagu sababaha ninkani kallifay ku micneeyey laba arrimood. Waa ta koowaade, waxa uu sheegay inay haysay baahi nafsaani ah oo uu u qabay lacag badan oo uu helo iyo inuu ka aar-goosto madaxweynihii dalka Masar oo ahaa Soddoggii, kaas oo aan waligii aaminin isla markaana xil u dhiibin.

Ashraf Marwan wuxuu shaqadiisa Basaasnimada Israel bilaabay sanadkii 1970-kii kaddib markii uu la xidhiidhay safaarada Israel ee magaalada London oo uu wakhtigaas ku noolaa, waxaanu u soo bandhigay inuu u adeego si uu uga iibiyo sirta dalka Masar. In kasta oo ay in muddo ah ku qaadatay Israel inay Iska hubiyaan inaanu ahayn basaas laba gar-daaq ah, ka dib markii xogihii laga helay iyo tijaabooyinkii lagu sameeyey caddeeyeen in laysku halleyn karo oo ay ku kalsoon yihiin. Laga soo bilaabo wakhtigaas, wuxuu noqday basaas u shaqeeya dowladda Israaiil oo uu in ka badan muddo 30 sanno ah u shaqaynayey ilaa laga soo gaadho sannadkii 1998-kii.

Shaqadii uu Marwan qabtay Dagaalkaas oo lagu magacaabo Yom Kipur oo muddo todobo maalmood ah socday, waxay ka mid ahayd waxyaabihii ugu muhiimsanaa taariikhda ee ay hesho Israel. Markii uu dagaalku dhammaaday waxa ay Mossad (waa hay’adda Sirdoonka Israa’iile) ku abaalmarisay Basaaskan lacag gaadhysa $100,000 oo ay ugu abaal-gudeen xogtii uu uga soo gudbiyey weerarkii qarsoodiga ahaa ee ay qorsheeyeen Milatariga Masar.

In kasta oo go’aankiisaasi badbaadiyey nolosha dad badan oo Israa’iiliyiin ah, haddana waxa uu keenay dhimashada in badan oo ka mid ah muwaadiniinta dalkiisa.

Ninkan oo markii dambe noqday maal-qabeen ganacsade ah, ayaa si lama filaan ah u geeriyooday sannadkii 2007 kaddib markii uu ka soo dhacay Dhisme Dabaq oo uu lahaa magaalada London. Ilaa immika lama ogaadin sababta keentay inuu ka soo dhaco dabaqaas.

 

@ Copyright – Somalilandpost Authors