Qaybo ka mdi ah Madaarka Hargeysa oo maanta Dab-qabsaday, Tirada Dad loo qab-qabtay falkaas iyo Ciidamada Ammaanka oo baadhitaan ku wada Sababtii ka dambeysay

Maxamed XuseenHargeysa (SLpost)- Madaarka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, ayaa qaybo ka mid ah maanta ka kacay, in kasta oo aanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay dabkaas oo sababta uu ku yimi lagu sheegay ka dib markii dab lagu shiday maqaaxi dhex-taala madaarka gudihiisa.

Maamulka Madaarka Hargeysa ayaa sheegay inay hal qof oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa dabkaas gacanta lagu dhigay, isla markaana ay ciidamada ammaanku ku hawlan yihiiin sababta rasmiga ah ee dabkaasi ka dhashay.

Maamule ku-xigeenka 1aad ee Madaarka Hargeysa Maxamed Xuseen Jaamac oo maanta soo saaray war-saxaafadeed uu arrintan kaga hadlay, ayaa sheegay inuu dabkaasi ka kacay Meel bannaan oo u dhaxay labada Terminal ee dadka dhoofaya iyo Kuwa Soo degayaa ay isticmaalaan, isla markaana aanu jirin khasaare waxyeello gaadhsiiyey habsami-u-socodka madaarka.

Maamuluhu waxa uu sheegay inay goobtaas ka binneeyeen Maqaaxi hore ugu ooli jirtay, haseyeeshee lama garanayo sababta goobta bannaan ee hore maqaaxida u ahaan jirtay Dabka loogu shiday.

Maamule ku-xigeenku waxa uu sidaas ku sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray, kaas oo u qornaa sidan: “Maamulka Madaarka Egal International Airport ee Caasimada Hargeysa waxa uu bulshada iyo saxaafaddaba halkan uga sheegayaa in 14/04/2014-ka uu dab aad u koobani ka kacay meel aan dhisme ku oolin oo u dhaxaysa Terminal-ka laga Dhoofo iyo Terminal-ka laga soo dego, goobtaas oo dhawaan la banneeyey lana qorshaynayo in laga bilaabo dhisme cusub oo lagu dari doono Terminal-ka laga dhoofo.

Goobtani oo ay hore ugu taalay makhtaayad madaarka ku dhex taala, ayaa la baneeyey todobaadkan si dhisme looga bilaabo. Dab halkaasi ka kacay oo qabsaday Looxaan iyo karaatoon meesha lagu ururiyey, ayaa isla markiiba waaxda dab-demiska Madaarka oo heegan mar-walba ku jirtaa ay isla markiiba ku guulaysteen inay bakhtiiyaan isaga oo aan wax dhisme ah u gudbin, wax khasaare ahna aan gaysan haba yaraatee, arrinaasina wax saamayn ah kuma ay yeelan shaqada iyo duulimaadyada madaarka ka socotay.

madaarka hargeysaDabkani waxa loo tuhunsan yahay in la shiday, waxana ciidamada ammaanku ay madaarka ka wadaan baadhitaan ku saabsan sida uu dabkani ku kacay iyo cidda ka dambaysay, sidoo kalena waxa ay ciidanku tuhunkaasi u xidheen hal qof oo ka mid ah shaqaalaha Makhaayaddaasi.

Anaga oo adeegsanayna muuqaalada ay duubeen kamaradaha CCTV-ga ee xagga ammaanka oo ku xidhan qayb wal oo Madaarka Cigaal Airport ka mid ah, waxaanu ku kalsoonahay in ciidamada ammaanku ay najiito wanaagsan ka gaadhi doonaan baadhitaankaasi, ciddii ku lug yeelata ee arrintaasi ay ku caddaatana in sharciga la hor-geyn doono.”

SOMALILANDPOST.NET