Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Muqdisho

Hargeysa (SL.Post) Ugu yaraan sadex qof ayaa ku geeriyooday, tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax gaari oo goor-dhaw lala beegsaday maqaayad lagu Magacaabo Blue Sky oo ku dhaw Tiyaatarka Muqdisho, halkaasoo ay ku sugnaayeen dad badan xilliga uu dhacayya qaraxa.

 

2016101636109042259984691qarax

Sidoo kale, Gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa halkaas gaaray, kuwaas oo ka qaadyay dhaawacyo sida ay sheegeen Goob-joogayaal ku sugnaa meel Maqaayadda Qarax lala beegsaday ku dhaw.

“Maqaayad lagu Magacaabo Blue Sky ayaa lala beegsaday Qarax gaari, Welina khasaaraha ka dhacay lama oga.” ayuu yidhi Sarkaal ka tirsan Booliiska Somalia oo warbaahinta.

Qaraxan ayaa imaanaya xilli dhawaanahan uu amaanka Muqdisho ahaa mid Wanaagsan, iyadoo aysan weli jirin cid sheegatay inay weerarkan mas’uul ka tahay, inkastoo qaraxyada noocan oo kale ah ay sheegato Al-shabaab.

 

Somalilandpost.net