Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Go’aanka Bixitaank Ruushak Ee Suuriya

Geneva(Slpost)-Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha dalka Suuriya Staffan de Mistura, waxa uu sheegayaa in wadahadallada dalkaasi ay hadda weji cusub iyo dardar.

Waxa uu intaa ku daray in sababta arrintaasi ay tahay go’aanka xulafada Madaxweyne Bishaar Al-Asad ee ah Ruushka inuu xoogaggiisa kala baxayo Suuriya.

Mr De Mistura waxa uu hadalkaasi ka jeediyay magaalada Geneva oo maalintii labaad uu ka socdo kullanka nabadeynta Suuriya.

Waxa uu la kulmay waftiga mucaaradka ee loo yaqaano guddiga wadahadallada sare.

Waxa uu tilmaamay inay u gudbiyeen dalab ah in dowlad ku meel gaar ah la dhiso.

Waxaa sidoo kale codsigaasi ka mid ah in dowladda Suuriya ay siidayso dadka ay xabsiyada ku hayso.