Qaramada Midoobay oo Isku Raacay in Daacish La Weerarro

Paris(SLpost) – Golaha ammaanka ee qaramada midoobeey ayaa si aqlabiyad ah waxa ay u meel mariyeen qaraar dhammaan dalalka awooda leh ay kaga qeybgalaan dagaal ka dhan ah kooxda la baxday Khilaafada Islaamka.

 

Qaraarkan ayaa ku baaqaya in dalalka xubnaha ka ah UN ay burburiyaan meelaha kooxda gabaadka u ah ee Suuriya iyo Ciraaq. Waxa uu sidoo kale Qaramada Midoobeey dalbatay in tallaabada iyo wada shaqeynta la laba jibaaro iyadoo la adeegsanaayo wax kasta oo lagama maarmaan ah.

 

Qoraalka qaraarka la meel mariyay waxaa gudbisay Faransiiska kaddib weeraradii Paris. Faransiiska oo qayb ka ahaa xulufada duqaysa Daacish ayaa wajahay weerar aargoosi ah oo ay ku dhinteen 129 qof.

 

Waxa ay sheegeen in kooxda Daacish ay tahay halista aan horey loo arag oo ka dhan ah amniga iyo nabadda caalamka oo dhan.

 

Qorshahan ay Qaramada midoobey sida aqlabiyadda ah u meelmarisay maaha mid lid ku ah xeerka todobaad ee golaha, kaas oo si gaar ah u ogolaanaaya in awood la adeegsan karo.

 

Faransiiska waxa ay ku murmeysaa in tallaabo militari ay tahay mid qiil loo helayo, sababtoo ah waxa ay sheegayaan in dalalka ay xaq u leeyihiin inay isdifaacaan.