Qaramada Midoobay oo Baadhis Madax-bannaan ku samaynaysa Xad-gudubyada Israel ka geysatay Marinka Gaza iyo Xamaas oo Shuruudo ku xidhay Xabbad-joojin loogu baaqay

Geneva (SLpost)- Golaha Xuquuqda Bani’aadamka ee Qaramada Midoobay, ayaa fadhi ay yeesheen ku go’aamiyey in dawladda Israel si madax-bannaan su’aalo looga weydiiyo hawl-galka milatari iyo duqeynta ay ku hayso Marinka Gaza.
Codeynta ay isku raaceen Golhan oo maalintii Shalay ka dhacday magaalada Geneva, ayaa ku yimid ka dib markii Madaxa Golaha Xuquuqaha Aadamaha Qaramada Midoobay, Navi Pilly, uu kulan deg-deg ah ugu dhawaaqay in ay isugu yimaaddaaan waddamada xubnaha ka ah Golahan, isaga oo sheegay in hawl-galka Milatari ee Israel uu gaadhay heer lagu qiimayn karo Dambiyo-dagaal oo ka dhan bani’aadamnimada.
Gaza_Israel (3)Waddanka Falastiin oo xubin sharaf kor-jooge ah ku leh Qaramada Midoobay, ka dalbaday baadhis lagu sameeyo xad-gudubka Israel ka geysanayso Marinka Gaza, waxaana Qaraar qabyo ah oo baadhitaankan jidaynaya isku raacay aqlabiyadda 47 dal ee xubnaha ka ah Golahan
29 waddan ayaa u codeeyey in baadhista la sameeyho, halka 17 waddan oo ka tirsan Midowga Yurub ay aamuseen qaraarkan, waxaana ka soo horjeestay Qaraarkan kalina ku noqday waddanka Maraykanka oo xulo dhow isku yihiin dalka Israel.
Qaraarkan ayaa bulshada caalamka ugu baaqay in la magacaabo guddi madax-bannaan oo baadhiaan ku samaysa xad-gudubyada ciidamada Israel ka geysteen marinka Gaza.
Go’aanka ka soo baxay fadhiga Golaha Xuquuqul Iinsaanka ee Qaramada Midoobay, waxa markiiba jawaab ka bixiyey xafiiska Raysalwasaaraha Israel oo ku tilmaamay mid lagu degdegay, isaga oo ku dooday in ciidamadiisu si weyn isaga xil-saareen inaan lagu talax-tegin shacabka Falastiiniyiinta.
Tiro ku dhow 715 Falastiiniyhiin ah badankoodu yihiin Shacab aan hubaysnayn, ayaa ku dhintay hawl-galka milatari ee ciidamada Israel muddada 16-ka maalmood ah ka wadeen Gaza. Dhinaca Israel, waxa dagaalka kaga dhintay laba qof oo shacab ah iyo 32 Askartooda ka mid ah.
Dhinaca kale, Maalintii Arbaca ee shalay waxa si xooggan u bilaabmay dhaq-dhaqaaqyo dibloomaasiyadeed oo lagu baadi-goobayo dhex-dhexaadin iyo xabbad-joojin laga dhex-dhaliyo Xamaas iyo Israel. Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka John Kerry, ayaa kulamo la yeeshay Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo madaxweynaha Falastiiniyiin Mahmoud Abbas. Haseyeeshee ilaa immika wax guul la taaban karo ah lagama gaadhin xabbad-joojinta loogu baaqay labada dhinac.
Hoggaamiyaha garabka siyaasiga ah ee Ururka Xamaas, Khalid Mesaal, ayaa shir-jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Doha ee Qadar, waxa uu meesha ka saaray wax qorshe ah oo ay ka leeyihiin xabbad-joojin ay ogolaadaan ilaa iyo inta ay Israel cuno-qabataynta dhaqaale ka qaadayso marinka Qaza.
“Ma aqbali doono wada-xaajood kasta oo aanay ku jirin cunaqabataynta dadkayaga la saaray oo laga qaad iyo iyada oo aan la tixgelinayn baahiyaadkayaga,” sidaas ayuu Khalid Meshaal ku sheegay shirkiisa jaraa’id.
Israel ayaa dhinaceeda ku gacan saydhay inay ogolaadaan xabbad-joojin qayb ka ah heshiis ay cuno-qabatayn kaga qaadaan marinka Gaza, balse waxa ay oggolyihiin wada-xaajood lagu saleeyahay labada qodob oo kala ah Xabbad-joojin in la sameeyo, marka dambe looga gudbo wada-hadallo Gaza lagaga qaado cuno-qabataynta.

SOMALILANDPOST.NET