Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo Koox Khubaro ah u soo diray Qiimeynta Suuqa Waaheen

Hargeysa (SLpost)- Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo ka jawaabaya baaq ku aaddan masiibada Suuqa Waaheen, ayaa wefti culus oo ka kooban khubaro iyo saraakiil sar-sare u soo diray magaalada Hargeysa.

Khubaradan oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, waxa ay qiimeyn ku samayn doonaan baaxadda khasaaraha ka dhashay dab xooggan oo baabiiyey Suuqa ugu weyn Somaliland ee Waaheen oo ku yaalla badhtamaha caasimadda.

Ujeeddada socdaalka ay saraakiishani ku soo gaadhaan Hargeysa, ayaa ah sidii Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub uga qayb-qaadan lahaayeen dib-u-dhiska Suuqa oo gebi ahaanba burburay isla markaana ay ku hanti-waayeen ganacsato kala duwan oo tiradooda lagu qiyaasay Ilaa Shan Kun, sida lagu sheegay warbixin hor-dhac oo ay soo saareen guddiga heer-qaran ee taakuleynta Masiibada Suuqa Waaheen.

Advertisement

“Koox ka socota hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa shalay gaadhay magaalada Hargeysa si ay qiimeyn ugu sameeyaan waxa loo baahan yahay si looga qayb qaato dib u dhiska suuqa weyn ee magaalada ka dib dab khasaare gaystay oo todobaadkii hore ka kacay,” sidaa waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay.

Follow us On