Qaraar Ka Dhan Ah Ilhan Cumar oo la Horgeeyey Congress-ka Maraykanka

Washington (SLpost)- Dhowrkii maalmood ee u dambeeyey waxa sii xoogaystay dhawaaqyo dhiillo xambaarsan oo shacabka iyo siyaasiyiinta Maraykanku kaga fal-celiyeen hadal ka soo yeedhay Xildhibaan Ilhan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ee Maraykanka.

Ilhan Cumar oo horaantii toddobaadkan ka hadashay heshiiska is-afgarad ee Somaliland iyo Ethiopia, waxa ay badheedh ah ula safatay madaxweynaha Soomaaliya oo ka soo horjeestay heshiiskan, waxaanay ballan-qaaday iyadoo ka faa’idaysanaysa awoodda mansabka ay ka hayso Congress-ka Maraykanka ay barbar taagan tahay isla markaana taageerayso Soomaaliya.

Hadalka Ilhan Cumar ayaa sababay inay xildhibaannada iyo siyaasiyiinta Maraykanku ku baaqaan xil-ka-xayuubin lagu sameeyo maadaama oo sida ay sheegeen xilka Dowladda Maraykanka ee ay u dhaaratay uga faa’idaysatay inay ku difaacdo danaha dalka ay u dhalatay ee Soomaaliya.

Xildhibaan Marjorie Taylor Greene oo Aqalka Wakiillada Maraykanka ugu jirta Xisbiga Jamhuuriga, ayaa Khamiista maanta soo saartay qaraar dhaleecaynaya hadalkii ka soo yeedhay Ilhan Cumar oo qiratay inay waddan shisheeye danihiisa uga shaqayso gudaha dalka Maraykanka.

Xildhibaan MTG waxa ay Ilhan Cumar ku tilmaantay Qof khiyaameeyey dastuurka dalka Maraykanka iyo xilka ay u dhaaratay.

“Waxay si cad u qiratay siday dedaalka ugu jirto inay ka shaqayso danaha Soomaaliya iyadoo adeegsanaysa mansabka ay ka hayso dowladda Maraykanka. Ilhan Cumar waxay daaha ka qaaday inay tahay wakiil shisheeye oo ka wakiil ah dowlad shisheeye,” sidaas waxa tidhi xildhibaan MTG oo Golaha Wakiillada ee Congress-ka Maraykanka horkeentay Qaraar ka Dhan ah Ilhan Cumar.

“Haddii go’aan ka gaadhisteedu aniga igu xidhnaan lahayd, Ilhaan Cumar intaan xilka ka qaado ayaan ka musaafurin lahaa Mareykanka, waayo waxay ku hadashay wax aad looga xumaado,” ayey hadalkeeda raacisay Xildhibaan Greene oo laga soo doortay Gobolka Georgia.

Qaraarkan ayaa la filayaa in la horgeeyo Aqalka Wakiillada si loogu codeeyo, waxaanay xildhibaanku ka dalbatay mudaneyaasha Aqalka inay u codeeyaan Qaraarkan lagu cambaareynayo hadalka Ilham Cumar.

Qaraarka Xildhibaan MTG oo ay Aqalka Wakiillada ee Congress-ka ka wada-tirsan yihiin Ilham Cumar, ayaa ka mid ah dhawaaqyadii u dambeeyey ee lagu dalbanayo xil-ka-xayuubin lagu sameeyo Ilham oo hadalkeedu buuq badan ka abuuray gudaha Maraykanka.
Ilhan Cumar oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ayaa laga soo doortay Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.