“Qaddiyadda Somaliland Suldaan Ma Dillaali karo, ka xayn-daabka ka gudbana Maxkamad ayaa…”- Xukuumadda Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay inay Maxkamad la tiigsanayso cid kasta oo Madax-dhaqameed ah oo iskudayda inay faro-gelin taban ku samayso siyaasadda iyo nidaamka wada-hadalka Somaliland doonayso inay la gasho Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyey waxa soo baxay warar sheegaya in qaar ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland ku hawlan yihiin faro-gelin dhinaca siyaasadda ah oo la xidhiidha arrimaha siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya, iyadoo wararku sheegayaan jiritaanka xidhiidh dhexmaray Dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madax-dhaqameedka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan sharciga la tiigsanayaan madax-dhaqameed dhawaan ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan loo bilaabo wada-hadallada u dhexeeya labada waddan. Waxa uu wasiirku sheegay in madax-dhaqameedku ka mid yihiin tiirarka ay ku Somaliland ku dhisan tahay, balse aanay faro-gelin karin ka-garnaqista iyo aayo-ka-talinta Siyaasadda dalka.

Warkan oo faahfaahsan kaga bogo Muuqaalka Hoose